Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Saciid Dabayl ayaa dhaliil xoogan u jeediyay ganacsatada gobolka Sanaag ee ka howlgala deegaanada Puntland kadib markii uu dhaqaalo la’aan darteed uu u hakaday dhismaha xabsiga degmada Baran ee gobolka Sanaag.
Gudoomiyaha gobolka Sanaag oo waraysi siinayay Horseed Media ayaa sheegay inuu gabi ahaanba uu hakad ku yimid dhismaha xabsiga magaalada Baran ee gobolkaasi, kadib markii sida uu sheegay ay waayeen taageerada ganacsatada gobolka Sanaag iyo jaaliyadaha dibadda oo uu sheegay inay hormarka gobolka ay ka gaabiyeen inay ka qaybqaataan.
Waxaa uu sheegay in ganacsatada gobolka Sanaag ee ka howlgala magaalooyinka kale duwan ee Puntland inay ka gaabiyeen taageerada dhaqaalo ee lagu dhisayo xabsiga gobolka Sanaag waxaana uu sheegay in maamulka gobolka Sanaag uu siweyn ula yaabanahay taageerada ganacsatada.
”Gobolka Sanaag waxaa uu ka jiifaa ganacsatada,aad iyo aad ayaan ula yaabanahay inay dalka gacan siiyaan xitaa canshuurta nama siiyaan”ayuu si kulul u yiri gudoomiyaha gobolka Sanaag oo intaasi ku daray inay codsiyo badan ay u jeediyeen ganacsatada oo ku saabsan inay ka qayqaataan dhismaha xabsiga Baran
Dhismaha xabsiga degmada Baran oo mudooyinkii ugu dambeeyay socday ayaa waxaa si weyn ugu qayqaataay xildhibaanada Puntland ee ka soo jeeda gobolkaasi oo horay dhaqaalo uga jaray mushaaraadka baarlamaanka Puntland iyo qaar ka tirsan bulshada degmada Baran.
Waxaana uu maamulka gobolka Sanaag uu sheegay in xabsigan uu yahay kii ugu horeeyay ee laga hirgaliyo gobolka Sanaag maadaama dadka dambiyada gaysta gobolkaasi loo soo wareejiyo xabsiga Boosaaso.
Horseed Media
Maamulka gobolka Sanaag oo dhaliilay ganacsatada gobolkaasi
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 387 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 8077 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 2 Replies
- 593 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 1 Replies
- 338 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 0 Replies
- 216 Views
-
Last post by Gladiator=
-
- 0 Replies
- 228 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 25 Replies
- 1895 Views
-
Last post by The Magnificent
-
- 5 Replies
- 1017 Views
-
Last post by Gaashaanle_87
-
- 12 Replies
- 871 Views
-
Last post by xaseey