war Deg Deg: Somaliland & Puntland Oo Ku Dagaalamay Tukaraq

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

war Deg Deg: Somaliland & Puntland Oo Ku Dagaalamay Tukaraq

Post by FBISOMALIA »

Laascaanood (RBC Radio):- Wararka naga soo gaaraya degmada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa ku soo waramaya in dagaal khasaare geystay uu dhexmaray ciidamo ka kala tirsan maamulada Puntland iyo Somaliland.

Dagaalka dhexmaray labada ciidan ayaa la sheegay in uu ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana dagaalkaasi uu socday saacado kooban la sheegayaa in uu geystay khasaare nafeed oo dhinacyada soo kala gaaray.

Wararku waxay intaa ku darayaan in ay jirto dhimasho labada dhinac soo kala gaartey iyadoo dhaawacyada dagaalkaasi ku waxyeeloobay loo kala qaadey magaalooyinka Laascaanood iyo Garowe, halkaasi oo lagu dabiibayo xaaladahooda caafimaad.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu bilowday kadib markii ciidamada Soomaaliland ay weerar ku soo qaadeen fariisin ciidan oo ay deegaanka Tukaraq ku lahaayeen ciidamada difaaca Puntland halkaasina uu ka dhashay dagaalka socday saacadaha ee dhexmaray labada ciidan.

Ma jirto warar intaasi dhaafsiisan oo laga helayo deegaanka dagaalku ka dhacay ee Gambare, hase ahaatee wararkeena dambe ayan idin kugu soo gudbin doonaa wixii war ah oo ka soo kordha.

RBC Radio.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”