Garoowe: (pp)- Wasiirka Warfaafinta Puntland Axmed Cali Askar oo shir jaraa’id oo caawo ku qabtay xarrunta madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyey dagaalkii gardarada ahaa ee ay Ismaamulka Soomaliland ku soo qaadeen ciidamada Puntland eeku sugan Gobalka Soo,l gaar ahaan deegaanka Gambara ee duleedka Magaalada Laascaanood ee Gobalka Sool.
Wasiirka ayaa dagaalkaas ku eedeeyey Maamulka isku magacaabay Soomaliland iyo Dowlada Federaalka ee ka dhisan Magaalada Caasimada ah ee muqdisho isaga oo intaas kudaray in Ismaamulka Soomaliland ay saaka dagaal gardaro cad ku soo qaaday ciidamada Puntland ee ku sugan jiida hore ee Gambara taas oo ay jawaab cad ay kaga bixiyeen ciidanka Puntland ee aagaas fadhiyey.
Wasiirka ayaa yiri “‘Maamulka Soomaliland waxaa uu hurinayaa dagaal iyo colaado dhexmara Soomalliland iyoPuntland balse waxaanu cadayneynaa in soomaliland ay gacan saar la leedahay kooxda Argagixisada ah ee ku jira buuraha Galgala ee Gobalka Bari iyaga oo gacansiinaya kooxdaas dagaalka kula jira Puntland.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wada ayaa yiri mar kale ” Soomaliland waxaanu ognahay in ay gacan siiso kooxda argagixisada ah ee ka dagaalamaya buuraha gobalka Bari iyaga oo siyaabo kala duwan u gacan siiya kooxaha buurahaas ku jira, balse waxaa ayse Dowlada Puntland u dul qaadan doonin faragalinta iyo weerarada ay markasta Soomaliland ku soo qaado deegaanada Puntland ee ay Amaanku ka jiro.
Axmed Cali Wasiirka Warfaafinta ayaa intaas ku daray in dagaalkii saaka dhexmaray ciidamada Puntland iyo ciidamada weewerarka gardarada ah ku soo qaaday ciidamada Puntland in uu yahay mid aysan Puntland u dul qaadan doonin inweeraro cad oo gardaro ah lagu soo qaado ciidamadooda iyadoo in badan ay u dulqaadatay puntland faragalinta iyo weerarada gardarada ah ee ay sooqaadeen Maamulka soomaliland.
Mar uuWasiirku ka warbixiyey khasaarada ka dhashay dagaalkaas ayuu sheegay indhankooda ay ka dhinteen 3 arkari balse ay khaasro u gaysteen ciidamadii weerarka ku soo qaaday ee Soomaliland islamarkaasna gaadiid dagaal ay kaqabsadeen maamulka Soomaliland, Sidookale waxa uu Wasiirku dagaalkaas ku eedeeyey Dowlada federaalka isaga oo sheegay in ay dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Gambara ee Gobalka Sool ayqayb ka ahaayeen iyaga oo horay u cadaystay in ay soo maleegayaan dagaaladaas iyo colaadahaas ka soo cusboonaaday Gobalka Sool Maamulka Soomaliland iyo Dowlada Federaalka ee Muqdisho oo iskaashanaya.
Dagaalkaas ayaa waqtigii uu socday waxay ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen oo kale nin sheegtay inuu sarkaal sare ka ahaa ismaamulka la magac baxay Somaliland, ninkaas oo seegay inuu basaas u ahaa Ismaamulka Somaliland, laguna xayo xabsiga magaalada Garoowe.
SiciidC/salaam Siciid
GAROOWE: Wasiirka warfaafinta Puntland oo ka hadlay dagaalki
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 307 Views
-
Last post by AsadSL
-
- 3 Replies
- 421 Views
-
Last post by jamols2
-
- 0 Replies
- 308 Views
-
Last post by AsadSL
-
- 4 Replies
- 507 Views
-
Last post by KyrieJama
-
- 0 Replies
- 246 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 0 Replies
- 609 Views
-
Last post by Adan_1
-
- 24 Replies
- 2171 Views
-
Last post by halfoshalfom-614
-
- 10 Replies
- 1034 Views
-
Last post by TheblueNwhite
-
- 0 Replies
- 240 Views
-
Last post by FBISOMALIA