Xaalada deegaanka Tukaraq oo uu shalay iska horimaad socday muddo saacado ah uu ku dhexmaray ciidamo uu hogaaminayo wasiirkii hore ee garoomada Puntland,ciidamada dowladda Puntland iyo maamulka Somaliland ayaa lagu soo waramayaa inay saaka tahay mid dagan.
Wariye madaxbanaan oo ku sugan deegaanka Tukaraq oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay inay xaaladda deegaanka Tukaraq ay tahay mid dagan,inkasta uu sheegay in dhincayada dagaalamay ay isku horfadhiyaan goobtii uu ka dhacay dagaalkii shalay oo lagu magacaabo Higalada.
Wasiirka warfaafinta Puntland Axmed Cali Askar oo saxaafadda kula hadlayay galinkii dambe ee shalay magaalada Garoowe ayaa sheegay in markasta la filan karo dagaal dib uga qarxa nawaaxiga deegaanka Tukaraq.
Dagaalkii shalay ka dhacay nawaaxiga deegaanka Tukaraq ayaa yimid kadib iska horimaad dhexmaray ciidamo ka soo jeeda gobolka Sool oo uu hogaaminayo wasiirkii hore ee garoomada Puntland iyo maamulka Somaliland taasi oo keentay in ciidamada Puntland ay dagaalkaasi ay si toos ah uga qaybqaataan.
Horseed Media
Xaaladda Deegaanka Tukaraq oo saaka dagan
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 8 Replies
- 1180 Views
-
Last post by Cirwaaq
-
- 94 Replies
- 11581 Views
-
Last post by ramzy2277
-
- 25 Replies
- 1784 Views
-
Last post by dawwa9
-
- 30 Replies
- 2969 Views
-
Last post by Spursman
-
- 0 Replies
- 1062 Views
-
Last post by libaaxyare
-
- 9 Replies
- 1556 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 0 Replies
- 514 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 0 Replies
- 923 Views
-
Last post by nasradiin32