Garoowe:Gudiga Amniga Puntland oo shir deg deg ah qaatay

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Garoowe:Gudiga Amniga Puntland oo shir deg deg ah qaatay

Post by FBISOMALIA »

Garoowe:(Allpuntland)-Gudiga Amaanka ee dawlada Puntland ayaa aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaaray shir aan caadi ahayn oo deg deg ah kaasoo looga hadlayey xaalada deegaaanada Puntland ee dhanka Amaanka gaar ahaana dagaalkii dhexmaray ciidanka Somaliland & kuwa Puntland oo ka dhacay Tukaraq oo ahayd xarun weyn oo ay Puntland gacanta ku haysay oo ay Somaliland la wareegtay walow markii danbe dib ay gacanta Puntalnd ugu dhigtay.

Kulankan oo uu shir gudoominayey Wasiirka cadaalada & garsoorka ee Puntland oo ah kusimaha madaxweynaha Puntland waxaa ka qeybgalay intabadan xubnaha gudiga Amaanka ee Puntland & sarakiil qaarkood ka yimid jiida dgaalka ee Galgala oo u yimid xaalada Tukaraq waxaana uu socday waqti badan oo ay dhinacyadu ka faaloodeen xaalada adag ee uu dalku kali karo.

Shirkan aan caadiga ahayn ee ay qaateen gudiga sare ee Amaanka Puntland saxaafada & saraakiisha kale ee dawladuba dibad joog bay ka ahayaayeen, mana jirto wax war ah oo laga soosaaray & cid warbaahinta la hadashay toona, Waxaase uu kusoo dhamaaday in amaanka Puntland la adkeeyo islamarkaasna la difaaco xuduudaha Puntland sida ay APL u xaqijiiyeen madax ka qeybgashay shirkan.

Cabdiqani Xayir
Allpuntland
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”