Page 1 of 1
Hambalyo Reer Somaliland from Pres.Siilaanyo (26 June)
Posted: Sat Jun 25, 2011 2:09 pm
by Siciid85
Madaxweynaha Somaliland Oo Xuska Sannad Guurada 51-aad ee 26-June Hambalyo iyo Boogaadin u diray Shacbiga Reer Somaliland Meel kasta oo ay joogaanba.
Hargeysa(OWN)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), ayaa guud ahaan shacabka Reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan u diray hambalyo ku aadan xuska munaasibada sannad guurada 51-aad ee ka soo wareegtay 26-June-1960 oo ah Maalintii ay Somaliland Madaxbanaanideeda ka qaadatay Mastucmaradii Boqortooyada Ingiriiska.
http://oodweynenews.com/news/83930-mada ... aanba.html
Re: Hambalyo Reer Somaliland from Pres.Siilaanyo (26 June)
Posted: Sat Jun 25, 2011 2:10 pm
by Knight of Wisdom
Re: Hambalyo Reer Somaliland from Pres.Siilaanyo (26 June)
Posted: Sat Jun 25, 2011 2:22 pm
by Siciid85
War-saxaafadeed: Madaxwaynaha Somaliland Oo Guud Ahaan Shacabka Ku Hambalyeeyay Sanad-Guuradda 51-aad Ee Ka Soo Wareegtay Xornimadda Dalka.
Hargeysa (Ramaas) - Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa hambalyo u diray guud ahaan shacabka Somaliland gudo iyo dibadba sanad-guurada 51-aad ee ka soo wareegtay wakhtigii Jamhuuriyadda Somaliland ay xornimadeedii ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska 26-kii bishii June 1960-kii oo barri ku beegan.
War-saxaafadeed kooban oo uu soo saaray afhayeenka aqalka Madaxtooyadda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), isla-markaana Madaxwayne Axmed Siilaanyo shacabka ku hambalyeynayo maalintan ayaa isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan “Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) Isaga oo ku hadlaaya Magaciisa iyo Ka Qaranka Somalilandba waxa uu Hambalyo iyo Boogaadin u dirayaa Dhamaanba Shacbiga Reer Somaliland Meel kasta oo ay joogaanba, Dalka Gudihiisa iyo Debadiisaba, Xuska, Munaasibada Sannad Guurada 51-aad ee ka soo Wareegtay 26-June-1960 oo ah Maalintiii ay Somaliland Madaxbanaanideeda ka qaadatay Mastucmaradii Boqortooyada Ingiriiska UK.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu Shacbigiisa reer Somaliland u rajaynayaa inay Sannadkan sannadkiisa ku gaadhaan nabad,guul iyo Barwaaqo, waxaanu ugu baaqayaa in ay dhan uga soo wada jeedaan adkaynta nabad-gelyada iyo qaranimada Somaliland isaga oo ku ammaanaya sida ay markasta heeganka ugu yihiin ilaalinta iyo difaaca Qarannimada Somaliland.”
Ramaasnews Desk
Re: Hambalyo Reer Somaliland from Pres.Siilaanyo (26 June)
Posted: Sat Jun 25, 2011 2:24 pm
by Knight of Wisdom
Re: Hambalyo Reer Somaliland from Pres.Siilaanyo (26 June)
Posted: Sat Jun 25, 2011 2:54 pm
by Barkhadd
hambalyo
Re: Hambalyo Reer Somaliland from Pres.Siilaanyo (26 June)
Posted: Sat Jun 25, 2011 3:55 pm
by Siciid85
Guddoomiyaha Ha'yadda Shaqaalaha Dawlada Oo Shaqaalaha Dawlada Ku Wargeliyey Inay Bari Fasax Ka Yihiin Shaqooyinkoodii Iyo Munaasibada 26-ka Juun Oo Bari Laga Xusi Doono Guud Ahaan Dalka.
http://oodweynenews.com/news/83901-gudd ... wgeed.html
--------------------------------------------------------------------------------------
Halkan Ka Dhegaysta Barnaamij Aad U Qiimo Badan Oo Ku Saabsan Sannad-guurada 51-aad ee ka soo Wareegtay 26-kii June 1960.
http://oodweynenews.com/news/83944-own- ... e-960.html
Re: Hambalyo Reer Somaliland from Pres.Siilaanyo (26 June)
Posted: Sat Jun 25, 2011 6:43 pm
by KyrieJama
What are you laughing at, 26 June is a historic day and so is July 1st

Re: Hambalyo Reer Somaliland from Pres.Siilaanyo (26 June)
Posted: Sat Jun 25, 2011 6:44 pm
by KingMJ
June 26 historic day
