New water well to be drilled in Xafaada Khasabka -Burco

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

New water well to be drilled in Xafaada Khasabka -Burco

Post by Siciid85 »

Image


Burco: Hay´ada EWADA oo Riig Biyood ka hirgelinaysa Magaalada Burco iyo Khudbadihii ay Maamulka Gobolka iyo kan Degmadu ka Jeediyeen Bilowgii Qodista Riiga ee Saaka(Dawo Sawirada)Burco: Hay´ada EWADA oo Riig Biyood ka hirgelinaysa Magaalada Burco iyo Khudbadihii ay Maamulka Gobolka iyo kan Degmadu ka Jeediyeen Bilowgii Qodista Riiga ee Saaka(Dawo Sawirada)

Burco(HWN)Hay’adda islaamiga ah ee East Africa Welfare And Development Association(EWADA) Ayaa saaka si rasmi ah u Bilowday Qodista Riig weyn oo ay ka qodaysa Xaafadda Khasabka ee Magaalada Burco Gaar ahaan Agagaarka Cisbitaalka Manhal.


Bilowgii Qodista Riigan ayaa waxa saaka kahadlay Badhasabxigeenka Gobolka Togdheer Cabdi Daahir Xasan, Maayarka Burco Maxmud Axmed Xasan(Dhegolaab) Guddomiyaha Hay’adda islamiga ah ee EWADA, Sh. Aadan Hassan Saciid iyo weliba Qaar kamid Guddida iyo Ganacsatada Xaafadda.

Ugu horayn Maayarka Degmada Burco Maxamud Axmed Xasan ayaa aad ugu mahadceliyey Hay’adda EWADA, Isla markaasna ku ammaanay Dadaalka ay ugu jirto horumarka Gobolkani Togdheer, sidoo kale wuxu sheegay in Goobta riiggan laga qodayaa ay tahay Goob baahi badan u qabtay biyaha.

Guddomiyaha Hay’adda EWADA sh. Aadan Hassan Siciid ayaa isna Dhinciisa sheegay in Goobtani tahay Goob ay deggen yihin Dad Danyar ah, sidoo kale lagu xannaaneeyo oo wax lagu baro Carruur agoon ah, sidoo kale jaar la ah Cisbitaalka weyn ee Manhal, ahna Goob loo soo Sahamiyey in Riiggan laga Qodo, wuxu sidoo kale ka warbixiyey kharashka kuBaxaya iyo kharashka ka Hay’ad ahaan ay iyagu u hayaan, isago xusay in lacag Gaadhaysa 90,00(Sagashan kun oo dollar) ay ku baxayso iyaguna ay hadda Gacantaku hayaan $45,000(Shan iyo afartan kun oo dollar iyo guu ahaanba Qalabkii lagu qodayey Riigga.

Wuxu Baaq u direy Dhinacyada Bulshada, xukuumadda , hay’adaha wadaniga ah iyo cid kasta oo Contribution kaga qaybqaadanaysa Qodista Riigaas iyo dhammaystirikiisa inay soo dhoweynayaan.

Sidoo kale wuxu Sheekhu Sheegay in Ciddii jecel inay Gacan ka geysato Dhammaystirka Riiigaas si aanu u kala Goin ay ku soo Hagaajiyaan wixi lacag Account ka Dahabshiil Burco AC/no: D4197.

Iyadoo sidoo kalena ay ku diri karaan lacagta iyagoo isticmaalaya website ka Hay’adda EWADA www.ewada.org.uk.

Badhasab ku xigeenka Gobolka Togdheer Cabdi Dahir Xasan oo ugu Danbaynti Munasibaddii Bilowga Qodista soo xidhay ayaa aad u ammaanay Hay’adda EWADA, sheegayna inay Mashaariic Badan oo khayri ah ka fuliso Gobolka Togdheer,kuwasoo ay ugu danbeeyeen bu yidhi Qodista Riiggan iyo indho jeexis ay ka fulisay Hay’addu Gobolka Oodweyne, wuxu ka Maamul ahaan iyo ka xukuumad ahaanba u ballanqaaday Hay’adda EWADA inay la shaqayn doonaan una fududayn doonaan waxyaabaha ay ka Dawlad ahaan uga baahaato Hay’addu.

Gebogabadii Dadka Deggan Xaafadda laga Qodayo Riiggan ayaa aad u soo dhoweyey Riiga ay hay’adda EWADA ka qodayso Xaafadda,iyagoo sheegay in xaafaddooda ay Biyo ugu dhowaayeen Meelo u jirta 6 illaa 8km, Halka imminka Xaafadda Gudaheedii ay Biyo ka helayaan, waxanay Hay’adda EWADA iyo Maamulkeeda ilaahay uga Baryeen inu ka Abaalmariyo Khayrka iyo Samafalka ay wadaan gudaha Magaalada Burco iyo Guud ahaan Dalkaba.
User avatar
KingMJ
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4191
Joined: Sun Dec 05, 2010 1:04 pm
Location: Back frm the Dead

Re: New water well to be drilled in Xafaada Khasabka -Burco

Post by KingMJ »

MashaAllah the Islamic foundation is doing a lot of good, what Hargeysa gets Burco should get as well :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”