DEG DEG: Raysal Wasaaraha DKMG Goor Dhow u Duuli Puntland

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

DEG DEG: Raysal Wasaaraha DKMG Goor Dhow u Duuli Puntland

Post by FBISOMALIA »

Muqdisho (RBC) Wafdi uu hogaaminayo raysal wasaaraha DKMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ayaa lagu wadaa in maanta ay ka dhoofaan magaalada Muqdisho iyagoo ku sii socda deegaanada Puntland, sida xafiiska RBC Radio ee Muqdisho ay u xaqiijiyeen saraakiil ku sugan xafiiska raysal wasaaraha oo saaka telefoon kula hadalnay.

Raysal wasaare C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa la filayaa inuu safarkiisa ka dhul bilaabo magaalada Galkacyo ka dibna uu u gudbo magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaana la filayaa in uu raysal wasaaruhu kulamo la yeesho madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo dhowaan sheegay inuusan taageeri doonin DKMG haddii lagala tashan waayo magacaabista golaha wasiirada ee DKMG.

Socdaalkan rasal wasaare C/weli ayaa noqonaya midkii ugu horeeyey oo uu Puntland ugu ambabaxo tan iyo intii xilkan loo magacaabay, waxaana ku wehlinaya safarka xildhibaano ka soo jeeda Puntland oo ka tirsan barlamaanka KMG.

Qabanqaabada socdaalka raysal wasaaraha ayaa si aad ah uga socota magaalada Muqdisho gaar ahaan xafiiska raysal wasaaraha iyo garoonka Muqdisho oo laga dareemayo diyaargarowga.

DKMG iyo maamulka Puntland ayaan in mudo lahayn wax xiriir ah oo wanaagsan tan iyo intii uu madaxweyne Shariif xilka madaxtinimada qabtay, waxaana dhowr jeer labada dhinac ay saxaafadda isu marsiiyeen hadalo eedeymo ah oo midba kan kale uu u jeedinayey.

Waxaana socdaalkan sida la hadalhayo uu ku soo beegmay xilli aad loo sugayey in lagu dhawaaqo golaha wasiirada cusub balse ay caqabado badan ka hor yimaadeen loona baahday in Puntland lagu soo qanciyo inay aqbasho shakhsiyaadka lagu soo dari doono golaha wasiirada, iyadoo dhanka kalana labada Shariif ay doonayaan inay asxaabtooda ku sharaxaan xilalka wasaaradaha dawlada.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”