A New chapter in Somalia!
GAROOWE: Madaxweyne Faroole oo casho sharaf u sameeyey Wafdi ka socda UNPOS,TFG,Puntland,Galmudug & ehlusuna waljameeca
June 30, 2011 6:30 pm GMT
Garoowe: (pp)- Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane C/raxmaan Faroole ayaa caawa casho sharaf ugu sameeyey caasimada Puntland ee Garoowe wafdi ka socda UNPOS,TFG,Puntland,Galmudug & ehlusuna wal-jameeca.
Wafdigaan ayaa ah kuwo qiimayn ku samaynaya meesha ugu haboon ee lagu qaban doono shirka dib u heshisiinta soomaalida ee lagu wado inuu dhaco marka uu dhamaado halka sano ee u dhiman dowlada Federaalka ee Soomaaliya.
Wafdigaan ayaa waxay horay u soo mareen magaalada Muqdisho , koonfurta magaalada Gaalkacayo iyo Puntland oo ay hadda ku sugan yihiin.
Casho sharaftaan loo sameeyey masuuliyiintan ayaa waxay ka dhacday Rugsan Square, iyadoo casho sharaftaas ay ka qayb galeen oo kale masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Puntland.
Wasiirka arrimaha guddaha Puntland casha sharaftaas kaddib saxaafada la hadlay ayaa tibaaxay in Wafdigan xaqiiqa raadinta ah ay hogaaminayeen masuuliyiin ka tirsan Xafiiska UNPOS, kuwaas oo soo gaba-gabeeyey booqashadii ay ku yimaadeen Puntland, wuxuuna wasiirku shee... in marka ay ku laabtaan Xarrunta Nairobi ay ka warbixin doonaan waxyaalihii ay ku soo arkeen deegaanada ay booqdeen.
Warar soo gaaraya Puntlandpost ayaa shee...a in wafdiga booqday Puntland ay aad ugu riyaaqeen xaalada nabadgelyo ee ka jirta Puntland, marka loo fiiriyo goobaha kale ee ay booqdeen, waxaana xusid mudan ay wafdigan ay xubno ay ku leeyihiin maamulada ka jira hadda dalka.
Daabacaadda: Puntlandpost.com