Page 1 of 1

Puntland ka digtay in Dagaal lamid Kalshaale ee dhoco sanaag

Posted: Mon Jul 04, 2011 4:05 pm
by FBISOMALIA
Sanaag:(Allpuntland)-Maamulka gobolka Sanaag ee dawlada Puntland ayaa shaaca ka qaaday in malayshiyaad ka tirsan ciidamada maamulka la magacbaxay Somaliland Iyo xoolo dhaqato reer Burco ahi ay kusoo xadgudbeen deegaano kamid ah gobolka Sanaag ee Puntland kuwaas oo uu maamulka gobolka Sanaag ku sheegey inay yihiin kuwo doonaya dhulbalaarsi islamarkaasna doonaya inay qabsadaan deegaano hoosyimaada gobolkaas, Iyadoo ay Puntland sheegtay in taasi ay khasaaro badan keeni doonto.

Gudoomiyaha gobolka Sanaag ee dawlada Puntland Maxamuud Siciid Nuur (Dabayl) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in xoolodhaqato aad u badan oo reer Somaliland ahi oo ay kaabayaan Ciidamo katirsan kuwa Somaliland ay maalimihii lasoo dhaafay kusoo qulqulayeen deegaankaas, wuxuuna Gudoomiyuhu intaas kudaray in ay ugala jeedaan Dhulbalaarsi, isagoo sheegey in ay dadka deegaanku u diyaargaroobeen inay dhulkooda difaacdaan islamarkaasna ay galaan dagaal lamid ah kii Kalshaale ee shacabka reer Cayn iyo Somaliland dhexmaray.

Mr.Dabayl wuxuu sheegey in aysan u dulqaadan doonin in dhulkooda lagu soo xadgudbo, Wuxuuna baaq u diray dawlada Puntland oo uu sheegey in looga baahanyahay inay si gaar ah arimahaas ula socoto, isagoo sheegey in dawladana uu ku wargaliyey ayna ka sugayaan in ay ka jawaabto, Waxaana dhulbalaarsiga imika ay Somaliland ku doonayso gobolka Cayn uu noqonayaa tilaabo kale oo geesinimo leh oo ay Somaliland ku doonayso inay dhulka Puntland ee aadka uga fog xuduudaha ku qabsadaan kadib markii horey loo ilaaway magaalooyinkii waaweynaa ee ay Puntland ka haysteen oo shacabka ku dhaqani ay dhib badan ku qabaan taasoo noqonaysa in ay kuwo kale u baahdeen si ay u badiyaan deegaanadooda maadaama ay yartahay tilaabada ay dawlada Puntland qaadayso marka loo eego xasuuqii Kalshaale oo aysan dawladu ka jawaabin balse shacabka degen deegaanada dhulbalaarsigu saamaynayo ayaa u eg kuwo doonaya inay difaacdaan dhulkooda islamarkaasna aanan cidna ka sugayn kuna qanacsan jecelna tilaabo uga timaada dawlada Puntland.

Cabdiqani Xayir
Allpuntland

Re: Puntland ka digtay in Dagaal lamid Kalshaale ee dhoco sa

Posted: Mon Jul 04, 2011 5:52 pm
by KyrieJama
who lives in shimbaraale?

Re: Puntland ka digtay in Dagaal lamid Kalshaale ee dhoco sa

Posted: Tue Jul 05, 2011 5:04 am
by FBISOMALIA
garad13 wrote:who lives in shimbaraale?
as i remember dubay warisngle live there

Re: Puntland ka digtay in Dagaal lamid Kalshaale ee dhoco sa

Posted: Tue Jul 05, 2011 12:25 pm
by hargaysaay
Now its east sanaags turn to recieve some heat