
Guddigii doorashada Puntland ayaa kulan maanta 17 July,2011 isugu yimid ku doortey Gudoomiye iyo kuxigeen halka xaflad lagu dhaarinayey 9 xubnood ee guddiga oo ka dhacdey xarunta Jaamacada PSU ee Garowe taasoo uu ka qayb galey Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole.
Guddigu waxay gudoomiye u doorteen Maxamed Xasan Barre halka kuxigeen ay u soo xusheen Maxamud Soofe.
Gudoomiyaha gudiga doorashada Puntland [PEC] Maxamad Xasan Barre oo ka hadley xaflada loo qabtey munaasabada dhaarta xubnahaan ayaa sheegey in waajibaadka saaran guddiga uu gudanayo hadii Alle raali ka noqdo isagoo tafaasiil ka baxshey talaabooyinka loo qaadi doono dhinaca dimoqaraadiyada/
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Farole oo xaflada hadal ka jeediyey ayaa waxaa uu khudbadiisa kaga hadley nidaamka dimoqaradiyada iyo sida xukumadiisa uga go'an tahay in shacabka ku doortaan qofka ay rabaan iyadoo laga gudbayo nidaamkii 13 sano ee la soo dhaafey ku soo xulan jireen dadka masiirkooda siyaasdeed qaban jirey.
Mudane Farole oo dib u raacey qaabkii siyaasdeed ee uu soo marey maamulka Puntland ayaa sheegey in dowlada waqtigaan jiraa ay badali doonto mid shacabka Puntland si toos ah u soo doortaan.
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa u mahad celiyey guddiga doorashada ee cusub isagoo hoosta ka xariiqey in howl badan oo adag u taalo.
Gabagabadii hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa ku wajahnaa baaq uu u jeediyey ganacsatada iyo shacabka reer Puntland kaasoo ahaa in ay tageeraan dadka Somaliyed ee walaalahood ah kuwaasoo abaaro ba'an ku hayaan Koonfurta Somalia.
Dhowaan ayaan idiin soo gudbin doonaa khudbada Madaxweynaha Puntland iyo sawiro.
GAROWEONLINE