
Gaalkacyo (RBC Radio):- Hay’adaha VSF Germany ayaa suuqa caanaha ee magaalada Gaalkacyo ka sameysay bandhig dadweynaha lagu tusayey dheefta caanaha xoolaha, gaar ahaan caanaha geela iyo kuwa lo’da.
Bandhigaani oo ahaa mid qiima weyn u leh bulshada ayaa waxaa uu ka dhacay gudaha suuqa Dayax gaar ahaan halka lagu iibiyo caanaha, waxaana halkaasi ka furan suuq weyn oo ay Hay’adu u dhistay dadweynaha magaalada Gaalkacyo.
Waxay Hay’ada VSF Germany soo bandhigtay mishin caanaha xoolaha ka saaraya subaga isla markaana caanaha noocya badan oo wax tar u ah bulshada ka sameynaya iyo shaqaalihii ku shaqeyn lahaa mishinadaasi oo ah dumar loo tababaray oo gaaraya 12 qof.
Waxaa dadweynihii bandhiga ka soo qeybgalay la tusay noocyada dufanka ee la marsado rootiga, farmaajo, mayooneys, nac nac, shukulaato, subag iyo caanaha oo noocya badan leh kuwaasi oo dhamaantood laga sameeyay caanaha xoolaha.
Marti sharaftii bandhiga ka soo qeybgashay ayaa dhadhamiyey waxyaabihii la soo bandhigay ee laga sameeyay caanaha xoolaha, iyagoo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay arkaan dheefta caanaha xooluhu leeyihiin, waxayna balan qaadeen in ay ka faa’ideysan doonaan.
Hodan Maxamed Cilmi oo ah Madaxa Tababarada ee Hay’ada VSF Germany ayaa shaaca ka qaadey in barnaamijkani uu qeyb ka yahay horumarinta caanaha xoolaha, waxayna sheegtay in ay u sameeyeen xarun gaar ah oo ay joogaan gabdho u tababaran ka shaqeynta horumarinta caanaha xoolaha.
Waxay intaa ku dartey in 12 gabdhood ay u tababareen in ay ka howlgalaan xarunta isla markaana ay u soo gabagabeeyeen tababarkii saddexaad oo shaqada horumarinta caanaha xoolaha ku saabsan, haatana ay diyaar u yihiin in ay bulshada u shaqeeyaan.
Madaxa Mashaariicda ee Hay’ada VSF Germany Qaasim Cabdalle Yuusuf ayaa u mahad celiyay mas’uuliyiinta iyo marti sharafta bandhiga ka soo qeybgashay, wuxuuna u sheegay in mashruucani uu yahay horumarinta nadaafada caanaha xoolaha, wuxuuna intaa ku daray in Hay’adu ay hiigsaneyso in bulshadu hesho caano xoolaad nadiif ah, si taasi loo gaarana ay hay’adu dadaal dheer arintaasi gelisay, wuxuuna dadweynaha u gudbiyey in ay sii wadi doonaan ka shaqeynta horumarinta nadaafada caanaha xoolaha.

Sacdi Qalowdaan oo ka mid ah xoola dhaqatada Gobolka Mudug ayaa soo dhoweeyay sida loo soo bandhigay horumarka caanaha xoolaha, wuxuuna sheegay in ay muhiim tahay in bulshada la tuso dheefta ay leeyihiin caanaha xoolaha iyadoo la adeegsanayo horumar casri ah, wuxuuna arintaasi si gaar ah uga mahad celiyay Hay’ada VSF Germany ee soo agaasintay.

Mudane Jamaal oo ah Kuxigeenka Xogyaha dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo ayaa soo afmeeray kulankii bandhiga ahaa ee ay sameysay hay’ada VSF Germany wuxuuna mahad celin ujeediyay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha hay’ada VSF Germany oo uu ku boggaadiyey in ay sii laba jibaaraan shaqada ay shacabka u hayaan, wuxuuna dadweynaha u diray fariin ah in ay ka faa’ideystaan horumarka caanaha xoolaha iyo wax soo saarka ay leeyihiin.

Waa markii labaad ee barnaamij noocani oo kale ah ay Hay’ada VSF Germany ka hirgeliso magaala madaxda gobolka Mudug ee Gaalkacyo iyadoo dadweynaha magaaladuna ay soo dhoweeyeen.

