Golaha Akhristayaasha Puntland oo Lagu Dhawaaqey

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Golaha Akhristayaasha Puntland oo Lagu Dhawaaqey

Post by FBISOMALIA »

Image

Xaflad ka dhacdey Xarunta Gobolka nugaal magaalada Garowe ayaa dhalinyaro wax ka barta jaamacadaha dalka iyo kuwa banaanka iyo sidoo kale qaar ka mid ah barayaasha xarumaha waxbarashada ee Garoowe ayaa waxay daaha kaga rogeen Urur Cusub oo loogu magac darey Puntland Readers Club, kaasi oo ah mid bulshada ku dhiiri galin doona wax akhriska.

Sida ay sheegeen dhalinta xafladda qabatey ururku waxa uu yahay mid faa,iidooyin badan u leh bulshada wax akhrisa , waxaana ay aaminsan yihiin dhalintani iska lahaa fikradii ururkan in uu meesha ka saari doono, waxyaabo ay ka mid yihiin fadhi ku dirirka,& dhuminta waqti badan oo macno darro ku dhumi jirey, taas oo ay sheegeen dhalinyarada ay ka timid fikrada ururkan mid meesha ka saareysa, wax akhris la’aanta baahsan ee bulshada wadankeena.

Madax kala duwan ayaa kasoo qeyb gashey xafladda ururkan furitaankiisi loo qabtey, kuwaas oo sheegey in ay soo dhaweynayaan fikrada ururka lagu aas aasey, islamarkaana ay ku booriyeen dhalinta fikrada ururku ka timid in looga baahan yahay mirro dhalinta.

Dr.Siciid Ali Shirre oo ah qoraa caana ayaa ka mid ahaa dadkii xafdlada kasoo qeyb galey,waxaana uu goobta ku gudoonsiiyey dhalinyarada xaflada qabatey buugaag ay ka mid yihiin furaha ganacsiga iyo bangiyada

Waa Markii ugu horeysay ee Puntland laga furo urur dhalin yaro oo ka shaqeynaya wax akhrinta in uu ku baraarujiyo bulshada Puntland ku nool, kaas oo ka anfaci doona dad badan waxbarashada mustaqbalkooda.

Horseed Media
my state every day became more more Modern then before ky dayo reer puntland ha nolatoo :clap: :clap:
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”