
Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa saakay aroor weerar saf balaaran ku qaaday fariismo ay Al-Shabaab ku lahaayeen degmooyinka H/wadaag, Hodan, Wardhiigley, Boondheere.
Weerarkan qorsheysan ayay ciidamadu kula wareegeen isgoysyada Aadan Cadde, Folerensa, Afarta Jerdiiyo, Cali Kamiin, Carwo Idko, Baar Ubax, Towfiiq iyo Siinaay, waxaana ay horay ugu dhaafeen oo ay qabsadeen suuqyada waaweyn ee Bakaaraha iyo suuq Bacaad, sida uu warbaahinta u sheegay Taliye Caanood.
Dagaalku wali waa uu socdaa isaga oo goos-goos ah, waxaana ay ciidamada dowladdu kaabiga ku hayaan garonka weyn ee ciyaaraha Stadio Muqdisho oo ka mid ah saldhigyada waaweyn ee Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay in khasaaraha Shabaabku ee degmada Wardhiigley yahay ilaa iyo iminka 15-dhimasho, labana ay nolol ku qabteen, waxaana dhanka ciidamada dowladdu uu sheegay in laba askari ay kaga shihiiday dagaalkii saakay.
Ma jiraan wax war ah oo wali ka soo baxay Al-Shabaab, waxaana uu dagaalka saakay uu ku soo beegmayaa xilli mudooyinkan dambe ay magaalada Muqdisho aheyd mid daggan.