
Gaalkacyo (RBC Radio):- Waxaa deeq lacageed oo ka timid Qurbajoogta Puntland ee Qaarada Yurub la soo gaarsiiyay Isbitaalka guud ee Gobolka Mudug.
Deeqdani ayaa ka timid Jaaliyaddaha Puntland ee magaalooyinka London iyo Gothenburg waxayna dhaqaalahani usoo dhiibeen wakiilo ku hagaajiya Maamulka Isbitaalka guud ee gobolka Mudug.
Goobta deeqda lagu gudoomayay ayaa ahayd gudaha Isbitaalka guud ee gobolka Mudug gaar ahaan aqalka shirarka ee Isbitaalka, waxaana soo xaadiray wakiiladii lacagaha lagu soo hagaajiyay, Maamulka Isbitaalka iyo Dhakhaatiirta gobolka qaarkood.
Jaaliyadda Puntland ee magaalada London ayaa soo dhiibtay deeq dhan $3,100 (Saddex kun iyo boqol Doolar) waxayna deeqdani ku soo haggaajiyeen si uu ugu wareejiyo qeybaha ay ku socotay Duqii hore ee degmada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan, waxayna Jaaliyaddu ugu talo gashay dhaqaalani in la gudoonsiiyo Isbitaalka guud ee gobolka Mudug, Xarunta agoonta iyo Afurinta dadka sooman, waxaana deeqda dhaqaalaha ah lagu wareejiyay maamulka qeybaha aan kor ku soo sheegnay.
Jaaliyadda Puntland ee magaalada Gothenburg ayaa waxay soo dhiibeen deeq lacageed oo dhan $6,870 oo ay ugu talo galeen in lagu wax loogu qabto Isbitaalka guud ee gobolka Mudug, waxayna deeqdani usoo wakiisheen in ay ku wareejiyaan maamulka isbitaalka laba gabdhood oo la kala yiraahdo Faadumo Faarax Maxamuud (Haariyoon) iyo Maryan Jaamac Barre, waxayna haweenkani lacagta ku wareejiyeen Eng, Cumar Dheere oo ka tirsan Guddiga dhaqaale aruurinta Isbitaalka guud ee gobolka Mudug.
Agaasimaha Isbitaalka guud ee gobolka Mudug C/raxmaan Maxamed Jaamac ayaa u mahad celiyay qurbajoogta Puntland ee magaalooyinka London iyo Gothenburg ee dhaqaalaha soo gaarsiiyay Isbitaalka.
Eng, Cumar Dheere oo isagu ku hadlayay magaca Guddiga dhaqaale aruurinta Isbitaalka guud ee gobolka Mudug ayaa u mahad celiyay Qurbajoogta Puntland ee London iyo Gothenburg oo uu sheegay in ay dadaal u galeen in ay ka qeyb qaataan horumarka dalkooda, wuxuu sidoo kale u mahad celiyay wakiilada ay lacagahaasi ku soo hagaajiyeen ee keenay Isbitaalka.
