
Soomaalida ku nool dalka Norwey oo si aad ah u soo dhaweyay Maamulka Shabellah dhexe State.
Kadib xaflad lagu soo dhaweynayay Maamul Goboleedka Shabelaha Dhexe State oo lagu qabtay Magaalada Oslo ee dalka Norwey ayaa waxaa ka hadlay masuliyiin dhow ah.
Xafladaan oo eheyd mid si heersara ah loosoo qaban qaabiyay islamarkaasina lagu soo dhaweynayay madaxweynaha iyo maamul goboledka shabelaha state ayaa lagu qabtay magalada Oslo ee dalka Norwey.
Goobta lagu qabtay xaflada soo dhaweynta ah oo ay soo xaadiren dadweyne aad u tira badan kuwaasi oo isugu jiray bulshada qeybaheda kala duwan waxa ayna si aad ah ugu qanacsanaayeen soo dhaweynta iyo howlaha Maamul Goboleedka iyagaa si isku mid ah u soo dhaweyay maamulka iyo waxqabdkiisa.
Waxaa goobta ka hadlay Abdulqadir Sh.Ahmed Gergaduud oo ah Gudoomiyaha ururka horumarinta Somalida Oslo isagoo shegay in looga bahanyahay madaxweynaha in uu dadkiisa u horseedo Nabad ay ku naaloodaan.
Ahmed Ali Wais oo ah siyaasi ku jira Golaha deegaanka Oslo iyo Naima Abdirahman oo ah musharaxad utaagan xaafada Grønland oo iyaguna goobta hadalo ka jeediyay aya si isku mid ah ugu booriyay madaxweynaha in ay hortaalo caqabado badan kuwaasi oo ubaahan in laga gudbo.
Dadka ka hadlay xaflada ayaa waxaa ka mid ahaa Kim Gabrielli oo ah gudoomiye kuxigeenka xisbiga shaqaalaha ee xaafada Grønland oo ah xaafada Somalida u badantahay ee magalada Oslo, waxa uuna ku booriyay soomaalida in ay aayahooda ka tashadaan cidna aysan waxkasugin.
Jan Mehlum oo isna ah xoghayaha xisbiga ayaa isna dhankisa dadka soomaaliyeed ugu baaqay in ay maamuladooda adkeystaa madaxweynaha maamulkana uu horseedo Nabad iyo xasilooni.
Ugu dambayntii waxaa lagu soo dhaweeyay Madaxwaynaha Maamulka Shabellaha Dhexe Stetev Cali Madaxeey Jawle
isagoo sheegay inuu wax ka qaban doono arimaha cadaalada, waxbarashada, Nabada iyo guud ahaan horumarka deegaanada hoos imaado maamulkiisa.






