
Garowe, Aug 08 - Dawladda Puntland ayaa maanta soo saartay xeer qeexaya habka lagu xakamaynayo qiimayaasha shirkadaha teleefoonnadu wax ku wacaan, kaasoo jaan-gaynaya khidmado cayiman oo lagu wici-doono telefoonnada dalka iyo dibadda sida uu war-fidiyeennada u sheegay wasiirka war-faafintu.
Wasiirka war-faafinta is-gaarsiinta hiddaaha iyo dhaqanka Puntland Axmed Cali Askar, oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Garoowe ayaa sheegey in ay dawladda Puntland soo saartay xeer xaddidaya qiimo-lacageed daqiiqadaha, isla markaana Jaan-gooyey khidmadda telefoonnada lagu waco kaasoo ahaa qorshe in muddo ah dawladda Puntland ay ku taamaysay hirgalintiisa.
Qiimaha khidmadeed ee ay dawladdu u jaan-gooysay wicitaanka telefonnada dalka iyo dibadda ayaa lagu lammaanshay khidmad gaar ah oo ay dawladdu ka sii qaadan doonta dhaqaalaha qiimaha la cayimay ka soo xarooda, waxaana loo qoondeeyey daqiiqaddiiba deegaannada Puntland in lagu waco lacag dhan (0.036) , halka wicidda gobollada kalena ay noqnayso (0.05), iyadoo dibaddana lagu wici-doono lacag gaaraysa (0.30).
Mudane Askar, oo wariyaashu su’aalo ka waydiiyeen sababta arrintaan dhalisay iyo wax xilligaan ku soo beegay khidmad jaan-goonta dawladda ayaa sheegay tallaabadaani in ay tahay mid laga baaraandegay muddo badanna golaha wasiirradu ay fadhi ka lahaayeen, kaddibna la isla meeleeyey xeerka haatan la sheeciyey.
Sida ku cad hadalka wasiirka war-faafinta Puntland Askar, qiimaha daqiiqadda ee loo jaan-gooyey wicitaanka ay samaynayaan dadka ku dhaqan dhammaanba deegaannada Puntland waxaa uu lix-jibaar ka badan yahay midka lagu wacayo gobollada kale ee dalka Soomaaliyda, kaasoo aysan ku caddayn sababta looga golleeyahay.
Shirkadaha is-gaarsiinta ee ka hawl-gala deegaannada Puntland ayaa tiro ahaan aad u badan, kuna kala duwan qiimaha la isku waco, shirkadahaasi oo dhammaantood ah kuwo si gaar ah loo leeyahay mana cadda sida ay uga dhaadhici karto jaan-goonta loo sameeyey oo ah mid aan horay looga baran dawladda Puntland.
Diiwaaka Wararka
Radio Daljir.
