Dib U Habayn Waddada u Dhexaysa Garowe iyo Gaalkacyo

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Dib U Habayn Waddada u Dhexaysa Garowe iyo Gaalkacyo

Post by FBISOMALIA »

Image
Agaasimaha Hay’adda Nesha Eng. Xassan Cisman Cali

Inta u dhaxaysa tuulooyinka Kalabayr iyo Jalam oo ku yaala waddada isku xirta Garowe iyo Gaalkacyo ayaa waxaa hay’adda wadooyinka Puntland ee Nesha ka waddaa dayactir, kadib markii ay burbursanayd muddooyinkii la soo dhaafey.

Agaasimaha hay’adda waddooyinka Puntland Eng.Xasan Cismaan Cali ayaa sheegay in waddada laga dayactiraayo masaafo dhan 5KM waxaana ku baxaaya kharash dhan $114.000 kun o dollar.

Eng.Xasan ayaa intaa ku daray in wadaadan hagaajin teeda ay iska kaa shanaayaan NESHA iyo dowlada Puntland.

Agaasimaha hay’adda NESHA Xasan Cisamaan Cali ayaa sidoo kale xusay gaadiidka waddooyinka Puntland mara tanka ay sidaan inuu ka badan yahay waddada tanka loogu tala galay arrintaasi ay tahay mid waddooyinka waxyeelo gaarsiisa.

Waxaa jira mararka gawaaridu ciladi ku gasho jidka in ay dhagaxaan wadada dhigaan taas oo ay uga tagaan markii ay hagaajistaan gaarigooda, Inj.Xasan Cismaan Cali ayaa ku booriyey gaadiidleyda in ay ka daayaan waddooyinka dhagax ay dhigaan marka gaariga uu ka xumaado oo ay isticmaalaan calaamdaha ifka hadii kalena ayasan uga tagin dhagax ay dhigaan waddada.

Waxaa kaloo agaasimaha uu sheegay in ay jirto dhibaato kale ay gaadiidleydu waddooyinka ay ku hayaan tasoo ah in hadii baabuurku ay ka banjarto lug ama shaag ay laamiga dhexdiisa ay dalacaha ku saaran gaariga tasoo u keenta laamiga inuu yeesho dhaawac isla markaana uu dhaawac uu noqdo mid fida waxaan uu gaadiid layda uu ka cod saday inaanay gaari wadaad dhexdeeda aysan ku saarin giriiga si aysan dhibaato u gaarin waddada.

Agaasimaha NESHA ayaa ganacsatda ku booriyey in ay ka qayb qaataan sidii loo dhamaystiri lahaa goobaha ay waeli ka jiraan burburka ee ubaahan in dayactir lagu sameeyo waxaana uu sigaar ugu mahad celiya shirkada Golis oo uu sheegay in ay keligeed isu xilqqaanto dayactirka waddooyinka marka loo eego ganacsatada kale. Ugu danbeyntii Eng.Xassan ayaa shacabka oo dhan ku booriya in ay iska ilaaliyaan waxkastoo dhibaato u keeni karaa waddada laamiga ah.

Hay’adda wadoo yinka Puntland ayaa sandakaan gudihiisa wax ka qabatay ilaa iyo laba iyo toban goobood oo ah laamiga maraa gudaha Puntland waxaana qorshahaan kan xigaa ay tahay in ay bilowdo inta u dhexaysa Tuulooyinka Jalam ilaa iyo Xarfo ee Gobolka Mudug, oo ah masaafo dhan 80KM tasoo u baahan kharash aad u badan waxaaan ay hay’adda bulshowayanta Puntland meel kastoo ay joogto ay ka codsadeen in ay ka qayb qaataan dayactirka wadaadaas .

Maxamed Saciid Yuusuf
Wakiilka Horseedmedia
Garoowe-Puntland
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Dib U Habayn Waddada u Dhexaysa Garowe iyo Gaalkacyo

Post by quark »

:up:
User avatar
D-Runner
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1293
Joined: Mon Nov 02, 2009 12:09 am
Location: What plan? Let's just meet up for a cup of tea and come up with our own state too.
Contact:

Re: Dib U Habayn Waddada u Dhexaysa Garowe iyo Gaalkacyo

Post by D-Runner »

From this:
Image

To this:
Image

Well done Puntland :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”