Maamulka Cusub Boosaaso oo xilkii maanta la wareegay

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Maamulka Cusub Boosaaso oo xilkii maanta la wareegay

Post by FBISOMALIA »

Image
new bossaso mayor

Duqii hore ayaa goobta ku wareejiyey xilkii Duqa, isagoo warbixin dhamaystiran oo ka jeediyey goobta xilka lagu kala wareegayey, wuxuuna isla goobta ku wareejiyey dhaqaale badan & baaburtii shaqada ee ay degmada lahayd.

Image
Guddoomiyaha Cusub mudane Xasan Cabdale Xasan oo makarafoonka lawareegay ayaa sheegay in shaqada loo idmaday uu ka soo baxayo isla markaasina aanu keligiis wax qaban karin ee loo baahanyahay inay la shaqeeyo, isagoo sheegay inuu isku xidh wanaagsan samaynayo isla markaasina ka soo baxayo shaqada dowlada hoose ee degmada Boosaaso iyo Sidii loo horrmarin lahaa dalka iyo dadka ku dhaqan degmada oo ah Degmooyinka ugu Dhumucda wayn gobolada dalka Soomaaliya.

Image
Wasiirka Amniga Khaliif Ciise Mudan oo isna Khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka soo jeediyey Madasha ayaa ku dheeraaday Xasiloonida iyo deeganaanshaha gobolka, Wasiirka oo ka hadlayey dhanka ammaanka ayaa ku hanjabay in gacan bir ah ay dowladu ku qabanayso kooxaha Ammaanka iyo xasiloonida Puntland wax u dhimaya, isagoo sheegay inay maalmahan ku howlan yihiin Saraakiisha ammaanku sidii ay wax uga qaban lahaayeen falal ammaandarro ah oo ka dhacay guddaha magalaada Boosaaso,Wasiirka ayaa dardaaran dheer sidoo kale kula dardaarmay Duqa Cusub ee degmada Boosaaso, isagoo sheegay in amniga Degmada uu qayb ka yahay Guddoomiyuhu.

Image
Wasiirka Wasaarada arrimaha Guddaha iyo Dowladaha Hoose ee Dowlada Puntland General Cabdilaahi Axmed Jaamac ilkajiir ayaa soo xiray xilwareejintii ay masuuliyiinta dowlada hoose ee degmada Boosaaso ay xilka kula kala wareegeen, waxaana Ilkajiir uu sheegay in dowlada hoose ee Boosaaso laga bedeley Magacii dowlada Hoose oo loo bixiyey Dowlada Degmada.


Wasiirka arrimaha Guddaha ayaa ugu damayntii bulsahdawaynta reer Puntland kula dardaaramay inay Isgarabsadaan oo ay ka shaqeeyaan maslaxadooda iyo nabadgelyaooda.


Image
Sidoo kale Masuul ka tirsan Hay’addaha Caalamiga ah ee UN-ta oo lagu magacaabo DIMIRTIRI PAPA THANASSDO oo madasha ka hadlay, ayaa sheegay in Maamulka Cusub ee degmada Boosaaso uu yahay mid qarni Cusub iyo xiriir Waa cusub ah uu u bilaabmayo, isagoo ugu hahadiyey howlihii shaqo iyo Xiriirkii wada shaqaynta ee degmada boosaaso iyo UNICEF ka dhaexeeyey, Waxuuna uu u mahadceliyey sidoo kale madaxda Sare ee dowlada Puntland oo uu ku tilmaamay kuwo ku dedaaladaya horrumarka dalka sida Wasiirka arrimaha guddaha, Wasiirka ammaanka iyo masuuliyiinta kale ee xukuumada Puntland ku jira oo uu ku sheegay inay yihiin dad runtii Shaqo wanaagsan umada u haya, loogana baahan yahay inay halkaasi ka sii wadaan.
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Maamulka Cusub Boosaaso oo xilkii maanta la wareegay

Post by quark »

we wish the new mayor all the best :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”