Wasiirka Amniga Puntland :" bargaal pirates attacked us"

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Wasiirka Amniga Puntland :" bargaal pirates attacked us"

Post by FBISOMALIA »

Image

Baargaal (RBC Radio):- Wasiirka Amniga dowladda Puntland Mudane Khaliif Ciise Mudan ayaa ka warbixiyay israsaaseyn duleedka degmada Baargaal ku dhexmartay ciidamo ka tirsan Puntland iyo maleeshiyo deegaankaasi ku sugnaa.

Mudane Khaliif ayaa xaqiijiyay in israsaaseyn ay dhexmartey ciidan ilaalo u ahaa wafdi Wasiiro ah oo Puntland ka tirsan oo uu ku jiro Wasiirka Amniga iyo maleeshiyaad deegaankaasi ku sugnaa oo uu Wasiirku sheegay in ay ahaayeen koox burcadbadeed ah.

Waxaa israsaaseyntaasi ay sababtay geerida qof dumar ah oo halkaasi ku sugneyd inkastoo aysan jirin khasaare intaa ka badan oo dhexmaray labada dhinac ee israsaaseyntu dhexmartay.

Wasiirka Amniga Puntland waxaa uu sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen kooxdii rasaaseysay wafdiga isla markaana ay ahaayeen koox burcadbadeed ah oo deegaankaasi ku sugneyd sida Wasiirku sheegay.

Waxaana magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari la geeyay maleeshiyaad maxaabiis ah kuwaasi oo la sheegay in ay yihiin kooxdii burcadbadeeda ahayd ee rasaaseysay wafdia Wasiirada ah ee kormeeraya deegaanada gobolka Bari.

Mudane Khaliif Ciise Mudan waxaa uu sheegay in ay sii wadan doonaan booqashooyinkooda ku aadan deegaanada fog fog ee gobolka Bari isagoo intaa ku daray in ay wada tashi iyo kulamo la soo qaadan doonaan Odayaasha deegaanada dhowaan looga dhawaaqay maamulka Raascaseyr si wax looga qabto cabashooyinka ay qabaan.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”