President of Somalia meets African Union delegates(pictures)

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

President of Somalia meets African Union delegates(pictures)

Post by Coeus »

Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Africa.

Wafigan oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa hoggaaminayay guddoomiyaha Midowga Afrika Jon Biin ayaa waxa ay kulan la qaateen Madaxweyne Shariif Sh. Axmed R/wasaraha dalka iyo Guddoomiyaha Baarlamanka waxa ayna ka wada hadleen arimo ay ka mid yahiin Amniga, Siyaasadda iyo horumarrada laga sameeyay howlgallada dalka looga si feeynayo Al shabaab.

Markii uu kulanku soo idlaaday kadib ayaa waxaa si wadajir ah shir jaraa’id u qabtay Madaxweynaha iyo guddoomiyaha Midowga Afrka waxaana ugu horeeyn hadlay Madaxweeynaha dalka Shariif Sheekh Axmad oo ka mahadceliyay imaanshaha wafdiga ee magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay madaxweeynaha in amniga ka hirgalay Magaalada Muqdisho ee suurta galiyay in dalka ay yimaadaan wafdi heer caalami ah, isagoo amaan u soo jeediyay cidamada XDS iyo kuwa Amisom.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha Midowga Afrika oo sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu soo gaaro dalka isagoo soo dhaweeyay horumarka ay ciidmada qalabka sida ee Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta Midoga Afrika ee Amisom ay ka sameeyeen howlgalka lagula dagaalamayay Al shabaab.

waxa uuna xusay Jon Bin in dowladda Al jeeriya ay ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen Toban Milyan islamarkaana laga bixin doono shirka 25 bishan lagu qabandoono magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya oo uu soo qaban qaabiyay Midooga Af rika.

Tan iyo markii Shabaab laga saaray magaallada Muqdisho ayaa waxaa sii kordhayay wufuudda caalamiga ah ee soo gaarayay magaalada Muqdisho, iyadoo maalinti shalay uu booqasho hal maalin ah Muqdisho ku yimid R/wasaaraha Turkiga.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”