

War Deg Deg: Madaxweyne Shariif oo Markii Ugu Horeysay Diyaarad Shacabka La Raacay
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheik Axmed ayaa maanta ka ambabaxay Garoonka Diyaradaha ee Adan Cade Int'l Airport isaga oo markii ugu horeysay diyaarad la raacay Shacabka.
Madaxweynaha ayaa raacay Diyaarada Jubba Airways oo duulimaadkeeda ahaa dalka Isutagga Imaaraadka Carabta iyadoo la soo warinayo inuu Madaxweynaha casuumaad ka helay Boqorka UAE oo uu dhawaan wiilka leh dhaxalka Boqorooyada uu soo gaaray magaalada Muqdishu si uu u qiimeeyo xaalada abaarta .
Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dalalka kaalmooyinka ugu badan ku bixiyey xaalada cuno yari ee dalka ka jirta
Safarka Madxweynaha ayaa ahaa mid aan hore loo sii shaacin iyadoo safarada madaxweynaha uu mar walba sii raaci jiray diyaarado la soo kireeyey oo wafdiga madaxweynaha qaas u ahaa iyadoo safaradii ugu dambeeyey uu Madaxweynaha isticmaalayey diyaarad ku asteysan Calanka dalka & astaanka Jumhuuriyada soomaaliya iyadoo ilaa hada aan la ogeyn halka ay ka timid diyaaradaas in ay tahay mid uu madaxweynaha gaar u leeyahay in ay aheyd mid xayeysiin caalamka loogu sameeynayey
Madaxweynaha ayaa la filaayaa inuu la kulmo Boqorka dalkaas iyo hey'adaha gargaarka ee dalka Isutaga Imaaraadka carabta.