Deeq La Gaarsiiyey Dadka Barakacayaasha Ee Ku Nool Garowe

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Deeq La Gaarsiiyey Dadka Barakacayaasha Ee Ku Nool Garowe

Post by FBISOMALIA »

Image

Dadka barkacyaasha ee ku nool kaamka lagu magacaabo kaam Silig ayaa maanta loo qayabiyey raashin isugu jira bur iyo saliid kuwasoo lasiiyay ilaa iyo laba boqal oo qoyas oo ah dadka ugu taagta daran Kaamka.

Rashinkaan ayaa waxaa qayabinaysay hay’adda daryeelka bulshada tasoo ay soo marisay jimciyada Ixyaa’u Turaath Isalaami oo kajirta dalka Kuweyt

Muuse Saciid Geele Agaasime kuxigeenka hay’adda daryeelka bulshada ee Puntland ayaa sheegay in dhawaan uu yimid Puntland u qaabil sanaha Jimciyadda Axyaa’u Turaathul Islaami Afrika oo dhan kasoo la kulamay maxwaynaha Puntland iyo xukuumadiisa waxaana ilaa iyo malintaa deeq gaarsiiyeen dad gaaraaya ilaa iyo 3000 kun oo qoys kuwasoo ah dadka soo barakacay waxaan howashaan maanta ay qayb ka tahay deeqdii hore ee la bixiyay oo lagu tageerayay dadka soo barkacay.

Image

Shiikh Maxamed Saciid oo ah wakiilka Jimciyada Ixyaa’u Turaasul Islaami ee Puntland ayaa isaguna ka hadalay goobtaa waxaana uu sheegay in maanta raashin cadadkiisu dhan yahay 500 oo kiish loogu tala galay dadka barkacyaasha ee kasoo barkacay koonfurta Soomaaliya iyo agoomaha ay ku wareejiyeen Hay’adda Daryeelka Bulshad Puntland qaybtaan hadda lasiinaayo dadkaan ku nool kaamka lagu magacaabo kaam Silig ay kamid tahay

Shiikh Maxamed Saciid ayaa waxaa kaloo uu xusay in intaa in kabdan ay garsiiyeen iyaga iyo hay’adda daryeelka bulshada Puntland uuna rashinkaan uu ku yimid kulankii dhexmaray masuuloyiinta Puntland iyo Hay’adda Ixyaau Turaath Al-Islami, Hay’adda ayaa u balan qaadey maamulka Puntland in ay Puntland wax kala qaban doonto gar-gaarka dadka soo barakacay.

Maxamed Siciid Yusuf
Horseed Media
Garowe Puntland
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”