
He is a intellectual and used to teach in a University in Malaysia, he is from Australia.
Caabudwaaq, Somalia (AOL) – Warar horudhac ah oo AOL kasoo gaaraya magaalada Caabudwaaq oo ka tirsan gobolka Galgaduud oo uu waayadaanba ka socday shirweynaha Ahlu Sunna ee gobolada Dhexe ayaa waxaa maanta Guddoomiyaha Ururka Ahlu Sunna ee gobolada Dhexe loogu doortay Prof. Xirsi Maxamad Hilowle (Labo garre.)
Shirka Ahlu Sunna intii muddo ahba uga socday magaalada Caabudwaaq oo la furay August 1, 2011 ayaa waxaa dhowr jeer hareereeyay mugdi-mugdi iyo isfahan waa la xariiray ciddii noqon laheyd Guddoomiyaha Ahlu Sunna, ayada oo musharaxiinta tartanka ku jirtayna ay ahaayeen 3 nin oo kala ah: Prof. Xirsi Maxamad Hilowle (Labo garre) oo ah aqoon yahan ku nool shirkana uga yimid dalka Australia, Sh. Ibraahim Xasan Guureeye oo ah Guddoomiyihii hore ee Ahlu Sunna Wal-jameeca iyo Sh. Cabdi Daahir Maxamed.
Kaddib markii ay adkaatay qaabkii loo kala reebi lahaa musharaxiinta oo uu mid walba si weyn u doonayay in uu kusoo baxo loolanka, ayaa waxaa markii danbe loo saaray 32 xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka Ahlu Sunna, kuwaasoo aakhirkii ku guuleystay in ay musharaxiintii kala reebaan.
Tartanka oo la mariyay laba wareeg ayaa waxaa labadii jeerba si weyn ugu horeeyay Prof. Xirsi Maxamed Hilowle (Labo gare) oo wareegii koowaad helay 25 cod, halka uu wareegii labaadna ka helay 27 cod.
Dhanka kale, Guddoomiyihii hore ee Ahlu Suna Sh. Ibrahin Xasan Guureeye ayaa isna helay wareegii labaad 9 cod, halka uu Sh. Cabdi Daahir Maxamed helay 2 cod, kaasoo markii danbe labadiisii cod ugu daray Prof. Xirsi Maxamed Hilowle (Laba gare), halkaasna waxaa si buuxda ugu soo baxay tartarkii musharaxnimada Guddoomiyaha Ahlu Sunna Wal-jameeca Prof. Xirsi Maxamed Hilowle (Laba gare.)
Jawiga magaalada Caabudwaaq iyo kan madasha uu shirka ka socda ayaa haatan ah mid degan, waxaana goobta shirka ka socda qudbado looga war-bixinayo marxaladihii uu shirka soo maray, isla markaana loogu hambalyeynayo Guddoomiyaha cusub ee Ururka Culumaa’u diinta Ahlu Sunna Wal-jameeca Prof. Xirsi Maxamed Hilowle (Laba gare.)