Goverment opens new Military court in Dharkaynlay district

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Goverment opens new Military court in Dharkaynlay district

Post by Coeus »

Image

Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo sheegay in Askarigii wax ku dhaca Dharkaynlay la dili doono iyo xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay degmadaasi.

Waxaa manta xafiis cusub oo lagu maxkamadeyndoono cidii ka mid ah Ciidamadda qalabka sida ee dil ka geysata degmadda Dharkeenleey ee magaladda Muqdisho ama ciidamo beeleeydyadda ee ku suagan halkaasi oo bilihii ugu dambeeyay caado ka dhigtay inay si bareer ah dil ugu geestaan dadka rayidka ah ee halkaasi degan ay markii ugu horeysay laga furay xafiis lagu qaadi doono ama alagu maxkamadeyn dooni cidii dib dambe falal dil ah uga geysata halkaasi.

Munasabad balaaran oo lagu maamuusaayay furitaanka xafiiska maxkamdda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida G/sare Xasan Xuseen Maxamed “Mungaab”, Guddoomiyaha degmada Dharkeynleey Macalin C/lle Cali Hiloowle saraakiil ka tirsan booliiska iyo qaar ka mid ah wax garadka deegaankasi kuwaasi oo siweeyn u soo dhaweeyay Furitaanka maxkamaddasi ciidamadda qalabka sida.

Ugu horeeyntii munaasabaddaasi waxaa warbixin looga dhageeystay Taliyaha saldhigga booliiska Galbeed ee dagmadad Dharkeynleey C/llaahi Siyaad oo sheegay in degmada ay ka jirto falal amaandarro ah, taas oo ay ka mid tahay ayuu yiri dil, dhac iyo kufsi , kuwaas oo ay wadaan kooxo ku labisan dareeska Ciidanka.dawladda ee asal ahan ka soo jeedda beelaha degen degmadaasi.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida oo isna ka hadlay Munaasabadaasi ayaa sheegay in iyadoo la raacayo amarkii madaxweynaha dagmadii loo arko in ay ka jirto falal amini daro ah lagu soo rogi doono xaalad deg deg ah.

Xasan Maxamed “Mungaab” oo hadlakiisa sii wata ayaa sheegay in dagmada Dharkeeynlay haatan lagu soo rogay xaalad deg dag ah isagoo wacad ku maray in ciddii lagu arko falal amni darro ah ay Maxkamaddu ku xukumi doonto dil toogasho ah.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xafiiskyo kan la mid ah hore uga furatay suuqyada bakaaraha, Suuq bacaad iyo Kaaraan si loo sugo amaanka hantida shacabka ee taalla suuqyadaasi.iyo in lagu badbaadiyo dhiigga dadka rayidka ah
User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Re: Goverment opens new Military court in Dharkaynlay distri

Post by Coeus »

:up: :som:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”