Meles Zenawi oo sheegay in
Shabaab ay ka ciribtirayaan
Somalia
Addis
Ababa:
(Sh .
M.
Network)
Ra’ iisul
wasaaraha
dowladda
Ethiopia
ayaa
sheegay
in
dowladiisa
iyo
dowlado kale oo Afrikaan ah ay
qorsheynayaan inay dalka Soomaaliya ka
saaraan Xarakada Al Shabaab.
Ra’ iisul wasaaraha dalka Ethiopia Meles
Zenawi ayaa waxa uu mar kale sheegay
inay wadaan qaar ka mid ah wadamada
qaarada Afrika qorsho xarakada Al Shabaab
looga saarayo gobolada ay ka taliyaan si
gar gaarka bini’aadanimo loo gaarsiiyo
goobaha macluusha ay ka jirto ee ay Al
Shabaab gacanta ku hayaan.
Meles Zenawi ayaa waxa uu sheegay in
wadankiisa iyo 5-wadan oo kale oo uusan
carabaabin wadamada ay yihiin ay ka go’an
tahay in Al Shabaab meesha laga saaro,
waxaana uu carabka ku dhuftay in
qorshahaasi uu meel wanaagsan marayo
oo goordhow Shabaab laga saari doono
gobolada ay ka taliyaan si Hay’adaha gar
gaarka ay awood ugu yeeshaan inay gar
gaarka gaarsiiyaan dadka ku nool gobolada
ay ka taliyaan.
Ra’ iisul wasaaraha dalka Ethiopia ayaa
waxa uu sidoo kale sheegay inay
dowladiisa iyo U rur goboleedka IGAD ay
dadaal u galayaan sidii dalka Soomaaliya
uu u heli lahaa nabadii iyo kala dambeyntii
uu lahaa taasi oo uu sheegay in lagama
maarmaan ay tahay.
25- bishaan ayey eheyd markii Ra’iisul
wasaaraha dalka Ethiopia uu sheegay inay
wadaan qorshooyin Al shabaab ay kaga
saarayaan gobolada ay ka taliyaan,
waxaana xusid mudan in Al shabaab ay
bishaan horaanteeda ay ka baxeen
magaalada Muqdisho.
Winds of destruction heading towards Shababistan
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
Re: Winds of destruction heading towards Shababistan
Alshabaab sent Melez packing with his tail between his legs, now that alshabaab is weak mainly due to their own short comings, they are definitely praying for another invasion as they will get 100 times stronger and you know why.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 6 Replies
- 330 Views
-
Last post by Executive
-
- 12 Replies
- 1304 Views
-
Last post by ciyaal_warta
-
- 0 Replies
- 303 Views
-
Last post by Somaliman50
-
- 12 Replies
- 7456 Views
-
Last post by Adali
-
- 1 Replies
- 408 Views
-
Last post by Mujaheedah-fee-Sabi'lilah
-
- 6 Replies
- 704 Views
-
Last post by Enlightened~Sista
-
- 0 Replies
- 335 Views
-
Last post by Daanyeer
-
- 4 Replies
- 364 Views
-
Last post by Lil_maRlilander
-
- 20 Replies
- 950 Views
-
Last post by Lord Diplock
-
- 38 Replies
- 2421 Views
-
Last post by hydrogen