Gudoomiyaha Gobolka J/Hoose Mudane Ilyaas Badal Gaboose

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
EEGA9
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1906
Joined: Thu Jul 22, 2010 8:05 am

Gudoomiyaha Gobolka J/Hoose Mudane Ilyaas Badal Gaboose

Post by EEGA9 »

Image

Gudoomiyaha Gobolka J/Hoose Mudane Ilyaas Badal Gaboose oo shir saxaafadeed ku qabtay Hotelka Saren ee Magaalad Nayroobi

Gudoomiyaha gobolka J/Hoose ee dawlad goboleedka Azaaniya oo safar kaga soo noqday magaalada Dhoobley ayaa ka warbixiyey xaalada deegaanka xiligan uu ku suganyahay abaaraha ka jira,xaalada nabad galiyo ee gobolka J/Hoose iyo mid siyaasadeedba wax uuna yidhi Mudane Ilyaas.

‘Deegaanada J/hoose waxay la qabaan abaaraha iyo dhibaatooyinka guud ahaan dhulka Somaaliyeed waxaase gaar ku ah dadka ka soo qaxa deegaanada ka fog gobolka kuwaas oo ku soo jeeda dhinaca xerooyinka qoxootiga wadanka Kenya iyadoo ay kor usii qaaday dhibaatadii deegaanka ka taagneeyd. Xiligan hada la joogo deegaanka waxaa ka jirta dhibaato qofkii damiir leh u adkaysan karin inkasta oo ay jiraan hay’ado samofal oo soo gaadhsiiyey caawimaad aan sidaas u sii badneeyn hadana inta badan sahaydaas waxaa afka u dhigta hay’ ado maxali ah kuwaas oo dhibaato ku haya dadka deegaanka”. ayuu yiri gudoomiyaha gobalka J/Hoose.

Mudane Ilayaas Badal oo warbxintaas kadib codsi u jeediyey hay’adaha Caalamiga ah iyo shacabka soomaaliyeed in ay gurmad la soo gaadhaan dadka deegaanada J/Hoose ku dhibaataysan.

Gudoomiyaha gobolka J/hoose Ilyaas Badal Gaboose waxuu sidoo kale ka hadlay xaalada nabadgalyo ee magaalad Dhoobley iyo deegaanada Azaaniya ee ku jira gacanta ciidanka Azaaniya isagoo sheegay in ciidanka Azaaniya ku filanyahay sugida amaanka deegaanka mana jirto wax cabsi ah oo aan ka qabno in wax dhibaato aha ku timaado xaalada nabad galyo ee daagaanka waxaa jira qaladad yar ar oo ka dhex dhaca ciidamada kuwaas oo inta badan aan xalino.

Gudoomiye Ilyaas mar uu ka hadlayay ciidanka kaambooni ee Dhoobleey jooga waxuu yidhi “Wiilasha ciidanka ah ee halkaas jooga waa ciidan dawladeed mana jiro wax maamul kaambooni la yidhaaho oo Dhoobley ka jira kuwa sheegta in ay yihiin kaambooniyiin way ogyihiin in shacabka deegaankaas ay ka soo gudbeen xiligii jabhadnimada iyo hogaamiye beeleedyada waxayse ku doonayaan hadal hayntaas in ay dawlad goboleedka Azaaniya kula gargoortamaan waanse ka warqabnaa.

Mudane Ilyaas Badal wax uu intaas ku direy in ka maamul Azaaniya ahaan ay soo dhawaynayaan cid walba oo qayeb ka qaadata nabada iyo xasilinta gobolada Azaaniya sidoo kalana la dagaalami doonaa dadka ka horyimaada dahana Shacabka reer Azaaniya.

Jubbalandnews.com
Nairobi, Kenya
ayadoonle
Posts: 40
Joined: Mon Nov 13, 2006 5:05 am
Contact:

Re: Gudoomiyaha Gobolka J/Hoose Mudane Ilyaas Badal Gaboose

Post by ayadoonle »

azania waxaan malayniyaa ma,aha jubbaland ninkaan deegaan ma,aha azania wato waligsana taagero kama helaayo jubooyinka wuuna daaliyaa malinkasta waxaa la keeniyaa nin somalia kasoo jeedin macquul ma,aha waxaas ok odiyaal dhaqameed ayaa jira caan gobolka jubbada hoose like xuseen hafow cali sokor,suldaan xaaji yacquub sheikh ismaciil dad kale ethiopia nin ama keenyati ah waxba kama yeeli doona insha allah
ayadoonle
Posts: 40
Joined: Mon Nov 13, 2006 5:05 am
Contact:

Re: Gudoomiyaha Gobolka J/Hoose Mudane Ilyaas Badal Gaboose

Post by ayadoonle »

azania waxaan malayniyaa ma,aha jubbaland ninkaan deegaan ma,aha azania wato waligsana taagero kama helaayo jubooyinka wuuna daaliyaa malinkasta waxaa la keeniyaa nin somalia kasoo jeedin macquul ma,aha waxaas ok odiyaal dhaqameed ayaa jira caan gobolka jubbada hoose like xuseen hafow cali sokor,suldaan xaaji yacquub sheikh ismaciil dad kale ethiopia nin ama keenyati ah waxba kama yeeli doona insha allah
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Jubada Hoose”