
Xog Hoos : Isbahaysiga NATO oo ku heshiyay in ay Somalia la waregaan
admin | Sep 15, 2011 | 0 comments
Wadamada ku bahobay Gashaanbuurta NETO ayaa waxaay isku raceen in ay Gabi ahaan la waregeen Wadanka Somalia isla markana ay ka si feyaan Wax ay ugu yereen Argagixisada Calamiga ah.
Kulan balaran oo ay ku yesheen Mid ka mid ah Casimadaha Wadamada Yurup ayaa waxaa dhamaan Xubnaha ku jiraa Isbahaysiga Naato ay isku Raceen in sida ugu dhaqsiyaha badan Ciidamo xoogan logu diri Somalia kuwaas oo la gayndoono Casimada Somalia iyo dhamaan Gobolada Dalka Somalia ee ay jogaan Xarakada Alshabaab.
Waxaa sido kale ay isku raceen in Gabi ahan Dakadaha iyo Garomada diyaradaha ee ku yaala Wadanka Somalia ay si buuxda u maamulan Ciidamada Isbahaysiga Naato ee la donayo in la geeyo Somalia si ay Gacan buuxda ugu dhigaan Amaanka Guud ee Wadanka Somalia.
Qorshahaan aya waxaa uu ku soo adaya Xili saxafada Calamka ay wax ka qorayso in Hogamiyaha Shabakada Al. Qaaciida Ayman al Zawahiri uu dhawaan u soo waregi Doona Wadanka Somalia si u Xarun uga dhigto.
——————————–
Info@kismaayo24.com
Filed Under: Wararka Kismaayo24
Tags: featured
Read more: http://kismaayo24.com/?p=16581#ixzz1Y3nlSjew