Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Kulamo La Yeeshay Mudaneyaal Ka Tirsan Baarlamaanka Maraykanka
September 16th, 2011
Washington (Somaliland.Org)- Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta kulan balaadhan la yeeshay Xildhibaano ka tirsan Labada aqal ee Baarlamaanka dalka Maraykanka, kuwaasi oo uu kala hadlay sidii ay u kordhin lahaayeen mucaawimada ay siiyaan Somaliland.
Sidaasi waxa lagu sheegay war saxaafadeed uu kuakas ka soo saaray Wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka Rashiid Gaaruf, waxaanu kaga waramay nuxurkii kulamadaasi lagaga hadlay nuxurka kulamadaasi waxaanu u dhignaa sidan:-
“Wasiirka Arrimaha dibeda Somaliland. Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo socdaal dublamaasiyadeed oo ku wajahan sidii Somaliland loogu heli lahaa aqoonsi caalami ah ku jooga cariga maraykanka ayaa kulamo la yeeshay saraakiil sarsare oo ka tirsan dawlada maraykanka. Wasiirka arrimaha dibada Somaliland waxa uu kulamadan la yeeshay gudoomiyaha Gudida Africa u qaabilsan Aqalka Wakiilada maraykanka Chris Smith oo ka tirsan xisbiga Republican-ka ee imika ka taliya Aqalka Wakiilada, Representative Donald Payne Gudoomiye ku xigeenka Gudida Africa u qaabilsan Aqalka Wakiilada kana tirsan xisbiga Democratic-ga, Representative Keith Ellison oo ka tirsan xisbiga Democratka Dhinaca Aqalka Senate-ka maraykanka waxa uu Dr. Maxamed C/laahi Cumar Wasiirka khaarajiga Somaliland uu kulan la yeeshay Senator Christopher Coons Gudoomiyaha Gudida Africa ee Agalka Senate-ka kana tirsan xisbiga Democrat-ka, Senator Johnny Gudoomiye Xigeenka Gudidaasi kana tirsan xisbiga Republicanka iyo Senator Mark Kirk oo ah Xubin ka mida Gudida Ansixinta Kharashka Dawlada Maraykanka oo ka tirsan xisbiga Republican-ka.
Dhamaanba Xildhibaanadaasi uu la kulmay Wasiirku waxa uu kala hadlay sidii Somaliland looga caawin lahaa dhinacyada Aqoonsiga, Dimuqraadiyada, Nabadgelyada, Dhaqaalaha,shaqo abuurista iyo abaaraha ka jira Somaliland oo saamayn ku yeeshay dadweynaha Somaliland, waxaa ay dhamaantoodba masuuliyiintaasi niyadsamaan ka muujiyeen horumarka ay Somaliland ka gaadhay dhinaca nabadgelyada, dimuqraadiyada, iyo la dagaalanka budhcad badeeda. Waxay dhinacooda muujiyeen masuuliyiintaasi inay Somaliland ka caawin doonaan arrimahaasi uu Wasiirku carabaabay isla mar ahaantaana ay fari doonaan hay’ada USAID in la kordhiyo mucaawimadii la siin jiray Somaliland.”
Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland foreign Minister meets US congressmen
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
- FAH1223
- webmaster
- Posts: 33838
- Joined: Mon Oct 02, 2006 12:31 pm
- Location: THE MOST POWERFUL CITY IN THE WORLD
- Contact:
Re: Somaliland foreign Minister meets US congressmen
Keith Ellison is still in a knee brace, dang... i last saw home at the end of july at an event
-
- SomaliNet Super
- Posts: 29468
- Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm
Re: Somaliland foreign Minister meets US congressmen
Soon they will be posting that they met George michael at a urinal. 

Re: Somaliland foreign Minister meets US congressmen
^^ Erm is that what you do in your free time
Strange...

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 1236 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 2 Replies
- 789 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 1 Replies
- 301 Views
-
Last post by LaY-D_LicK
-
- 2 Replies
- 498 Views
-
Last post by Blue_609
-
- 11 Replies
- 856 Views
-
Last post by Keyse_0208
-
- 14 Replies
- 2127 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 1 Replies
- 1638 Views
-
Last post by zingii
-
- 1 Replies
- 525 Views
-
Last post by gemini07
-
- 6 Replies
- 628 Views
-
Last post by BigBreak
-
- 0 Replies
- 1356 Views
-
Last post by The_Emperior5