Gedo:- (Daawo sawirada) Dood cilmiyeed ku saabsan sidii loo mideyn lahaa Haweenka ku dhaqan Gobolka Gedo ayaa maanta lagu qabtay degmada Beled-Xaawo, kaasoo ay ka qeyb galeen in ka badan 100-haween oo ka kala socday degmooyinka Luuq, Beled-Xaawo iyo Doolow.
Hey'adda Wada hadalka Buslahada ee CCD oo soo qaban qaabisay siminaarka ayaa ahaa mid lagu gorfeynayay dhibaatooyinka haweenka xilligan ka heysta colaadaha iyo sidii Haweenka uga qeyb qaadan lahaayeen doorka nabadeynta.
Madaxa Hey'adaha iyo Amniga Gobolka Gedo Buulle Aadan Qaloocow oo ugu horeyn dood cilmiyeedka furay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Dood cilmiyeedkan ay qabatay Hey'adda CCD.
"Ugu horeyn waxaan ku faraxsanahay oo aan ammaan u soo jeedineynaa dadaalka Hey'adda CCD, barnaamijkan lagu mideynayo Haweenka Gobolka Gedo, runtii waxaa dhihi karaa waa markii labaad oo ay Hey'adda qabato, waana mid looga gudbayo wixii dhibaato iyo xumaan horay u jiray, horayna loogu sii socdo nidaamka Dimoqraadiyada"ayuu yiri Madaxa Hey'adaha iyo Amniga oo u mahadceliyay Hey'adda isagoo ku baaqay in la iska iloobo wixii dhibaato ah ee cid walba horay u tabaneysay.
Sidoo kale waxaa ka hadlay Dood cilmiyeedkan Madaxa Arrimaha Bulshada ee Gobolka Gedo Nuur Siyaax Xareed ayaa sheegay in markii labaad ay tahay Dood cilmiyeed ay Hey'adda CCD u qabaneyso qeybaha bulshada gaar ahaan Haweenka, isagoo ku booriyay Hey'adda inay sii laba jibaarto, howlaheeda wacyi gelinta iyo sare u qaadida Bulshada qeyabeeda kala duwan.
"Waxaan ku boorineynaa Hey'adda inay laba laabto howsheeda, waxaan ka codsaneynaa inay haweenka Gobolka oo dhan ay ka mideeyaan xaga fikirka lagana taqaluso kooxaha nabadiidka, waxaan Hey'addu ka dalbaneynaa inay sii xoojiso wada shaqeynta Maamulka, naguna taageerto arrimaha Ammaanka"ayuu yiri Madaxa Arrimaha Bulshada.
Mr Nuur Siyaax ayaa sidoo kale tilmaamay in Hey'adda CCD ay tahay Hey'addii u horeysay ee u timaada, isla markaana labo bil kadib siminaar ku qabato deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab, taasoo uu ku tilmaamay mid awood iyo dhiira gelin u siineysa in Gobolka oo dhan ka saaraan Shabaab.
Gudoomiyaha Haweenka degmada Beled-Xaawo Gani Xasan Diiriye oo hadal ka jeedisay furitaanka Dood Cilmiyeedka ayaa sheegtay in soo dhoweyneyso barnaamijka ay hey'adda qabatay, waxaana ay xustay inay wada shaqeynta dhex martay Hey'adda iyo Haweenka Gobolka uu xilligan yahay mid aad u sareysa.
"Waa soo dhoweyneynaa, waa farxad haweenka ka muuqata, iyo CCD wada shaqeynta na dhex martay, Haweenka ka socda Sadexda degmo inay midoobaan, ayna ka wada shaqeeyaan Nabada, Gobolka oo dhan degmooyinkiisa ay raadiyaan oo Midnimada gaarsiiyaan, sida Ceel-Waaq, Baardheere iyo Garbahaarey"ayay tiri Gani Xasan Diiriye.
Afhayeenka Haweenka Gobolka Gedo Aamino Cali Guure oo iyana goobta ka jeedisay tix buraanbur iyo dar daaran ku socotay dadka Gobolka Gedo ayaa waxay kaloo ammaan ugu jeedisay Hey'adda Wada hadalka Bulshada oo tilmaamtay inay tahay safarkii labaad oo ay ku yimaadaan Gobolka.
Gudoomiyaha Ururka Garoobada Mustaqbal ee Gobolka Gedo Aamino Faarax Bile ayaa sheegtay in Gabdhaha ku nool Gobolka ay dulman yihiin, iyadoo xustay inay dulmiyee kooxdii hore ee Gobolka dhibaatada ku hayay, gaar ahaan Kooxda Al-Shabaab oo ay ku eedeysay in Haweenka ay guur qaldan ku sameyn jireen, raggooda ka laayay.
"Gabdhaha ku nool Gobolka waxaa horay u dulmiyay kooxihii dhibaatada ku hayay, qaarkood waxay kula kaceen guur qaldan, raggoodi wey ka laayeen, maantana Gobolka Intiisa kale waa xor, haweenkana xor ayay ku nool yihiin"ayay tiri Aamino Faarax Bile oo ku baaqday in la joojiyo tacadiyada haweenka lagula kacayo.
Madaxa Barakacayaasha ee degmada Beled-Xaawo Mataan Aadan Faarax ayaa ka mahad celiyay howlo biyo dhaamin ah oo ay u sameysay dadka barakacayaasha, isagoo sheegay in Hey'addu shalay 7-booyadood oo biyo ay ugu deeqday.
"Waxaan uga mahad celineynaa Hey'adda biyo dhaaminta ee barakacayaasha, waxaa ka codsaneynaa Hey'adaha caalamiga iyo CCD inay kaalmo la soo gaaraan dadka dhibaateysan, mabda'a mudadii dheer lagu dhaqmayay ee Gobolkan ka jiray waa dhamaaday, waxaan ka dalbaneynaa in wacyi gelin, iyo siminaar loo sameeyo bulshada ku dhaqan Gobolka, sidii looga midoobi lahaa kuwa nabada diidan"ayuu sii raacay hadalkiisa Mr Mataan.
Xoghayaha Guud ee Haweenka Beled-Xaawo Caasho Sulub Cumar ayaa sheegtay in Minimada ka dhaxeysa haweenka ku nool saddexda degmo ay tahay mid ballaaran, waxaana ay intaa raacisay in Guusha ay qabsadeen muddo markii ay kala maqnaayeen, intii Shabaab Gobolka heysteen.
"Fursadan ay hey'ada sameysay waa ka mahad celineynaa, waa guul u soo hoyatay Haweenka inay midoobaan, waa markii labaad ee siminaar ku kulmaan, waxaan ka codsaneynaa Hey'adda in Gobolka intiisa kale loo gudbo, marna lagu qabto Doolow, Marna Luuq iyo meelaha kale ee la xoreeyay"ayay tiri Caasho Sulub Cumar oo intaa ku dartay in laga baxay xilligii Madoobaa ee uu Gobolka soo maray, waxaana ay ku baaqday in Nabada la taageero.
Ugu dambeyn waxaa Dood Cilmiyeedka ka hadlay C/llaahi Cabdi Xuseen oo ka mid ah Howl wadeenada Hey'adda CCD, waxaana uu ka mahad celiyay sida haweenka ku nool Gobolka Gedo ay u muujiyeen Midnimo, isagoo u gudbiyay salaan uu ka waday Gudoomiyaha Hey'adda Wada Hadalka Bulshada oo ugu hambalyeeyay shacabka Gobolka Gedo guusha ay gaareen iyo horumarka laga sameeyay dhinaca amniga, waxaana uu balan qaaday inay sii socon doonaan howlaha bulshada ay u heyso Hey'adda, isagoo intaa raaciyay in CCD ay bulshada ka timid, Bulshadana u timid.
The women of Gedo have conference in Beled-Xaawo -PICS
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- XimanJaale
- SomaliNet Super
- Posts: 12578
- Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
- Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
- Contact:
The women of Gedo have conference in Beled-Xaawo -PICS
- XimanJaale
- SomaliNet Super
- Posts: 12578
- Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
- Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
- Contact:
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 527 Views
-
Last post by BuuloXubeey
-
- 0 Replies
- 303 Views
-
Last post by Sadaam_Mariiixmaan
-
- 7 Replies
- 1371 Views
-
Last post by Substance
-
- 3 Replies
- 455 Views
-
Last post by kadarre
-
- 1 Replies
- 349 Views
-
Last post by tightrope
-
- 6 Replies
- 1023 Views
-
Last post by Voltage
-
- 1 Replies
- 383 Views
-
Last post by bashe19
-
- 0 Replies
- 345 Views
-
Last post by Gubbet
-
- 3 Replies
- 624 Views
-
Last post by Smile-LiKe-SuN-RiSE
-
- 1 Replies
- 580 Views
-
Last post by Turbulence