Gobolka Liibaan oo horay u lahaa 4 degmo oo kala ah: Dooloow, Filtu, Uudat iyo Mooyaale ayaa waxaa hadda lagu daray laba degmo oo cusub oo kala ah: Degmada Deka oo ay leedahay beesha Sade iyo Degmada Mubaarak, sidaas ayaana hadda gobolka Liibaan waxuu ku leeyahay 6 Degmo.

Ugu horeyntii, Addis waxaan ka ambabaxay goor galabnimo ah, waxaana ku safrany baabuur aniga iyo nin la yiraahdo Aden Deerow oo safarka igu wehliyay, halka aan u soconeyna waxay aheyd degmooyinka Nageyle iyo Deka, ayada oo aan habeynkiina sii saaxanay magaalada Shashamane oo ku talaal bartamaha dalka Itoobiya ee gobolka Oromia.
Ugaaska Beesha Sade of Kilinka 5aad in Nageyle:Magaalada Nageyle waxaan tagnay fiidnimadii maalintii danbe, ayada oo waqtiga ku baxay in aan isaga socdaalno Addis iyo Nageyle uu ahaa maalin iyo bar.
Kaddib markii aan magaalada Nageyle tagay, waxaa si diiran iigu soo dhaweeyay dad aan magac ahaan is maqli jirnay iyo kuwo aanan waligeen is maqal, balse ay naga dhaxeyso wada dhalasho iyo xiriir dhow oo qaraabo-nimo.
Dadkii halkaas sida diiran iigu soo dhaweeyay waxaa ka mid ahaa: Ugaaska beesha Sade ee dalka Itoobiya Ugaas Cabdi Ugaas Daahir Sh. Xuseen, mudane Dhaqane Cabdi Nuur oo ah siyaasi weyn oo ruug cadaa ah oo si weyn looga yaqaan Soomaaliya iyo Itoobiya, Guddoomiyaha degmada cusub ee Deka mudane Dabow Cabdi Muumin, Faarax Jooraa, Sh. Yuusuf, Xareed Yarow Cusmaan, Aadan Deerow iyo rag kale oo badan oo aanan halkaan magacooda lagu soo koobi karin.

Message from Beesha Sade of Liibaan zone to their fellow Sade:
Waxgaradkii beesha Sade ee aan kula kulmay degmooyinka Nageyle iyo Deka ayaa waxay iisoo dhiibeen fariin muhiim ah oo ay yiraahdeen “maadaama deegaanada faraha badan ee uu ka kooban yahay Ismaamulka dhulka Soomaalida Itoobiya ay beesha Sade ku leedahay oo kaliya degmada cusub ee dhawaan la siiyay oo ah “Deka”, ayna u baahan tahay in ay dadkeeda hormariyaan sida ay degmooyinka kale ee faraha badan ee Ismaamulka dadkii lahaa ay u hormariyeen ama u maal gashadeen in ay beesha Sade u hor mariso una maal gashato degmada cusub ee Deka.”
Waxaa kale oo ay yiraahdeen waxgaradkaas ka tirsan beesha Sade, waxyaabaha ugu muhiimsan ee aan u baahan nahay in ay qurbajoogta beesha Sade naga garab qabato ayaa waxaa ka mid ah: In ay ka qeyb qaataan dayactirka Iskuulada aad masawiradooda halkaan ku arki kartaan, dayactirka halkii ceel ee degmada laheyd oo asna jaban iyo dhisidda xafiisyadii maamulka degmada.