Page 1 of 1

Xaji Abdi Waraabe: Siilaanyo is my son and I will defend him

Posted: Tue Oct 04, 2011 9:20 am
by ChiefAaqil
X. Cabdi Waraabe Oo Uga Digay Xisbiyada Mucaaridka Inay Shaqo Ka Dhigtaan Wax Ka Sheega MadaxweynahaOctober 4th, 2011 Comments Off

X. Cabdi Waraabe Oo Uga Digay Xisbiyada Mucaaridka Inay Shaqo Ka Dhigtaan Wax Ka Sheega Madaxweynaha, Uguna Baaqay Inay Ka Hadlaan Qabyada Adeegyada Bulshada Iyo Jawaabta Uu Ka Bixiyay Weedhihii Sh. Shariif

“W/Khaarajigu Waa Inuu Guurtida Hor Yimaado Oo Mugdiga Ka Saaraa Siyaasada Dibada, Siilaanyo Waa Inankaygii Oo Berigii C/Llaahi Yuusuf Madhiyay Majeerteen Isagu SNM-Tii Nina Ma Xidhan Nina Ma Dilin, Ninkaad U Jawaabayso Lafaha Gur Xaragana Ha Tagin, Shirka Duburna..” (Waraysi Khaasa)

Hargeysa, October 4, 2011 (Haatuf) – Xaaji Cabdi Kariin Xuseen (Cabdi Waraabe) oo ka mid ah odayaasha ruug-cadaayada ee golaha guurtida ayaa uga digay axsaabta mucaaridka inay caado ka dhigtaan weedho ay ku weerarayaan Madaxweyne Siilaanyo, balse ay ka hadlaan qabyada adeegyada bulshada, tilmaamayna in jawaabaha siyaasiyiintu iskugu jawaabayaan ay noqdaan weedho milgo iyo dhaqan suuban leh, isagoo dhinaca kalena jawaab kulul ka bixiyay hadaladii dhawaan ka soo yeedhay hogaamiyaha dawladda taagta daran ee Somalia Sheekh Shariif oo uu ku tilmaamay nin tiisii daryeeli waayay.

Xaaji Cabdi Kariim Xuseen ayaa sidoo kale wasiirka arrimaha dibada Maxamed C/llaahi Cumar ugu baaqay in golaha Guurtida uu hor yimaado, isla markaana uu si dhaba u cadeeyo shakiga laga qabo siyaasada khaarajiga iyo socdaalada uu dibada ugu baxo.

Xaaji Cabdi Waraabe ayaa sidaasi ku sheegay xogwaran khaasa oo uu shalay siiyay Haatuf, kaas oo uu sidoo kale kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin mawqifkii guddoomiyaha wakiilada C/raxmaan Maxamed C/llaahi Ciro, Aadan Waqaf iyo siyaasiyiintii garabkoodu ay ka qaateen khilaafkii xisbiga UCID iyo arrimo kale oo la xidhiidha golaha guurtida iyo Ugaaska beelaha Samaroon soo guryo noqoshadiisa.

Xaaji Cabdi oo ugu horayn ka hadlaya dhaliilaha baryahan dambe loo jeedinayo doorkii golahooda iyo maqnaanshaha gudoomiyaha golahooda, waxa uu yidhi “Golahayagu hoos umuu dhicine kor buu u socdaa, halkii baanu dalka iyo dadka ka haynaa, gudoomiyihii baa naga buka oo naga maqan, aad baanay xaaladiisu u wanaagsan tahay sida aanu warka ku hayno”.

Xaaji Cabdi Waraabe oo mar uu ka hadlayay siyaasada arrimaha dibada iyo wasiirka khaarajiga, waxa uu yidhi “Wasiirka arrimaha dibada waxaan usoo jeedinayaa golaha guurtida inuu hor yimaado, oo siyaasada arrimaha dibada mugdiga ha ka saaro, waxbaa lagu kordhin doonaaye”.

Mar uu ka hadlayay hadalkii todobaadkii hore ka soo yeedhay Sheekh Shariif ee uu ku sheegay in Somaliland ay Somalia ka mid tahay, waxa uu yidhi “Waa nin iska hadlay, waxay tidhi islaantii buraan-burtay ninkii tiisa-ba daryeelaa tu kalena ku dara Sheekh Shariif tiisii-buu u taag layahay in aanay Somaliland iyo Somalia isku soo noqonayn way og-yihiine waxay garan layihiin xaqa ay Somaliland ku leedahay iyo inay carabka inagu wanaajiyaan, oo ay gartaan in Somaliland iyo Somalia ay noqdaan laba dal oo walaalo ah oo abaaraha iska caawiya oo dagaalada iskaga hiiliya”

X. C/kariim Xuseen Yuusuf mar uu ka hadlayay weedhaha xurgufta leh ee madaxweynaha iyo axsaabta mucaaridka UCID iyo UDUB dhex maray, waxa uu yidhi “Madaxweynaha in la weeraro maaha ee wax u sheeg buu leeyahay, madaxda waa la tilmaamaa oo waxa la yidhaahdaa, waddooyinkii baa dayacan, Cusbitaaladii baa baylaha, xisbiyada mucaaridka waxaan leeyahay mucaaridnimadu in wax la caayo oo madaxweynayaasha dusha laga fuulo maaha”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa raaciyay “Cayda iyo aflagaadadu waa inay xaaraan ka noqoto dalkeena, ninka aad u jawaabayso waa in si milgo iyo Asluubi ku jirto aad ugu jawaabtaa, oo caqli baa lagu kordhiyaa, waxana la yidhi lafaha gur xaragana ha ka tagin, Axmed Siilaanyo waa inankaygii waana ninkii muddada dheer hogaaminayay ururkii SNM, barigii uu C/laahi Yuusuf uu Majeerteenka madhiyay, Axmed Siilaanyo nina muu xidhin nina muu dilin”

Xaaji Cabdi mar aanu waydiinay sida uu u arko shirka beesha Saaxil uga socda deegaanka Dubur ee degmada Sheekh, waxa uu yidhi “Shirkaa Dubur ma filayo in wax xumi ka soo baxayo wax wanaagsan baa ka soo baxaya”

Re: Xaji Abdi Waraabe: Siilaanyo is my son and I will defend

Posted: Tue Oct 04, 2011 9:22 am
by The_Emperior5
:clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap:


Xaaaji Cabdi karim cimri dheer baan kugu duceyo noolow

Re: Xaji Abdi Waraabe: Siilaanyo is my son and I will defend

Posted: Tue Oct 04, 2011 9:23 am
by ChiefAaqil
Xaaji Abdi Waraabe walee waa Gob. :up:

Re: Xaji Abdi Waraabe: Siilaanyo is my son and I will defend

Posted: Tue Oct 04, 2011 9:25 am
by Coeus
:lol:

Re: Xaji Abdi Waraabe: Siilaanyo is my son and I will defend

Posted: Tue Oct 04, 2011 9:26 am
by Cali_Gaab
:clap: :clap:

Re: Xaji Abdi Waraabe: Siilaanyo is my son and I will defend

Posted: Tue Oct 04, 2011 9:26 am
by The_Emperior5
Xaaji Cabdi Karim waraabe is how the Isaaq Traditional leadership always was , Odayga gadh cas oo garta na gooyaa oo Duubcad xiidhan :up: Safka Horana Masajdka fadhiya :up:

indeed Mujahiid Siilaanyo is a son of SNM a Son of Somaliland and a Son of Cabdi waraabe

Re: Xaji Abdi Waraabe: Siilaanyo is my son and I will defend

Posted: Tue Oct 04, 2011 9:29 am
by ChiefAaqil
Laakinse Wasiirkii Kharaajiga ayuu daba dhigtay odaygu. They call him runaway Minister, he always runs away when hee sees MP's of Member of Guurti, dibeda ayuu u cararaaa.

Re: Xaji Abdi Waraabe: Siilaanyo is my son and I will defend

Posted: Tue Oct 04, 2011 9:30 am
by The_Emperior5
Image

:up:

Re: Xaji Abdi Waraabe: Siilaanyo is my son and I will defend

Posted: Tue Oct 04, 2011 10:55 am
by Saraxnow
^ Ala I have seen this awowe before. Our traditional elders :rose:


:clap: :clap:

Re: Xaji Abdi Waraabe: Siilaanyo is my son and I will defend

Posted: Tue Oct 04, 2011 11:53 am
by Ismail_Boss
What?

Re: Xaji Abdi Waraabe: Siilaanyo is my son and I will defend

Posted: Tue Oct 04, 2011 12:41 pm
by Cali_Gaab
Saraxnow wrote:^ Ala I have seen this awowe before. Our traditional elders :rose:


:clap: :clap:
:?

Re: Xaji Abdi Waraabe: Siilaanyo is my son and I will defend

Posted: Tue Oct 04, 2011 7:08 pm
by Saraxnow
^ waa maxay, cat caught your tongue? :|