http://horseedmedia.net/2011/10/04/maam ... -aruuriyo/
Waxaa xarunta Gobalka Nugaal lagu qabtay kulan balaaran kasoo ay kasoo qayb galeen Wasiirka arrimaha Gudaha Puntland Gen.Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo marti sharaf kale oo badan.
Kulankaan ayaa ahaa mida lagu soo bandhigaayo sanduukh loogu talagalay in gobalka Nugaal loogu uruuriyo dhaqaale kasoo looga horatagaayo abaaraha, hor marinta gobolka Nugaal iyo wax u qabashada dadka tabaaleysan.
Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali ayaa goobtaas ka sheegay waxaan uu sheegay “Sanduukhaas in laga baahiyo meel kasta guddiniguna soo saaro lanbarkiisa, laguna rido cidkasta oo wax ku sadaqaysanaysa gobolka, si loogu hor mariyo gobolka, waxna looga qabto dhibaatooyinka taagan.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in sanduukhaan meelo badan laga iclaamin doono cidkasatan uu ufuran yahay in ay waxa ay awoodaan ay ku ridaan sanduukhaan.
Cabdale Cade oo ah madaxa mashaariicda gobolka Nugaal ayaa isna goobtaa ka hadalay waxaan uu sheegay in sanaadiiq badan ay meelo badan dhigi doonaan ayna cidii doonayasa in ay waxa ku ridaan ay u furan yihiin sanaadiiqdaan, waxaana gacanta ku hayn doona guddigii hore ee abaaraha.
Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha C/laahi Axmed Jaamca oo kulankaan ka hadalay ayaa xusay in arintaan uu sameeya maamulka gobalka ay tahay mid wanaagsan loona baahan yahay in gobalda kale ay ka faa’idaystaan fikirkaan maamulka goblaka Nugaal uu la yimid, kuna daydaydaan, waxaana uu sheegay in hay’adaha deeqaha bixiyaaba waxa ay ku taagan yihiin in uu yahay taburucaad.
Dadkii goobtaas isgu yimid ayaa durabdiiba bilaabay in ay sanduukha ay ku ridaan dhaqaale waxaan ugu horayan dhaqaalaha sanduuqa lagu ridaayo ku dhawaaqay wasiirka arimaha gudaha ee dowalda Puntland.
Si kastaba ha ahaatee waxaa la dhihi karaa maamulka gobolka Nugaal waxa uu la yimid aragti horumarineed, waxaana uu bulshada ku abuuray in ay isku tashadaan, isla markaana kayd u samaystaan maalinta danbe ee ay dhici karto in ay timaado aafo dabiici ah sida abaaraha iyo biyo la’aanta.
Maxamed Saciid Yuusuf
Wakiilka HorseedMedia
Garoowe-Puntland


