Hawiye Clan elders on their way to Hargeysa for a visit
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Hawiye Clan elders on their way to Hargeysa for a visit
Madax-Dhaqmeedyo Ka Socda Beelaha Hawiye Oo la filayo in ay Dalka yimaadaan, Ujeeddada Socdaalkooda Iyo Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir Oo ka hadlay Fursadaha Somaliland Ugu jirta
“Haddii Sh. Shariif Laga Maqlay Somaliland, Wax Inaga Maqani ma jiraan…. MadaxdhaqameedkanaIyaga Ayaaba Ku Dhawaaqaya Aqoonsiga” Suldaan Maxamed Suldaan Cabdi Qaadir
Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa sheegay in dhawaan dalka ay soo gaadhi doonaan Wefti Balaadhan oo ka socda Ugaasyada iyo Madax-dhaqmeedka Beelaha Hawiye ee Dalka Somalia.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu sheegay in Madax-dhaqmeedkan Beelaha Hawiye oo Somaliland iman doona maalmaha fooda inagu soo haya ay ujeeddada safarkoodu la xidhiidho sidii ay ugu kuur geli lahaayeen sida ay Somaliland ku gaadhay Nabada iyo Horumarka ay ku naaloonaysay Labaatankii sanno ee u dambeeyey, si ay casharo uga bartaan.
Suldaan Maxamed oo xalay u waramayey Wargeyska Saxansaxo waxa uu intaasi ku daray in madax dhaqmeedkan laga hadli doono marka ay yimaadaan sidii ay Somaliland u aqoonsan lahaayeen, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Dalka waxa imanaya Ugaasyo iyo Madax dhaqameed ka soo jeedda Beelaha Hawiye ee Somalia, marka ay yimaadaan dadka waxa ay waydinayaan shacabka Somaliland sida ay ku gaadheen Nabad gelyada iyo Maamulka dhisan ee shaqaynaya. Markaa Aqoonsigan aynu raadinaynaa ee meel aanu jirin laga daydayayo waa in dadkii aynu wax wada lahayn la hor fadhiisto oo ah Somalia, waayo waxbaa inaga dhaxeeyey oo Caalamka ayaa isku keen ogaa, waxaana loo baahan yahay Caalamku in uu ogaado in aynu ka go’nay. Caalamku marka ay arkaan iga oo wada hadlayna waxa ay odhanayaa maxaa laga wada hadlayaa Midawgii hore u dhex maray, waana lagu kala kacay oo Somaliland gooni isku taagii ay dalbatay, maantana waxa aynu sheegaynaa waxa aynu xaqa u leedahay, waana sheegid ee wax aynu ka baryayno maaha.”
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu intaasi ku daray oo uu yidhi “Waxaanu u sheegaynaa Maamulka Somalia, marnaba ma ogoli in Gobolada Woqooyi la ina yidhaahdo, Dagaalkii Ingiriiskii wixii ka dambeeyey Jamhuuriyada Somaliland ayaa la ina yidhaahdaa, waana la maqlayey Sh. Shariif markuu lahaa Somaliland, wax inaga maqan ma jiro keliya waa inaynu u sheegno inaynu ka go’onay, sida ay ila tahayna Madaxdhaqameedka Imanayaa iyaga ayaaba ku dhawaaqaya Aqoonsiga Somaliland, waayo Maatidoodii baynu u badbaadinay oo Hargeysa inagula nool, Dhawaana dalka way imanayaan, waxaanay u socdaan sidii ay nabada Somaliland ku keentay oo aanay maanta iyagu keeni karin, waxaanay la soo xidhiidheen Axsaabta qaarkood.”
Suldaan Maxamed waxa uu Tacsi u diray Eheladii iyo Qoysaskii ay ka geeriyoodeen Ardaydii iyo shacabkii ku dhintay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaan uga Tacsiyadaynayaa Eheladii iyo Qaraabadii ku Geeriyooday Dhibaatada Qaraxii ka dhacay Xamar, waxaanan leeyahay halaga tabaabushaysto Qaraxyo dambe iyo Dhibaatooyin dambe oo ka dhaca dalka.”
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka hadlayey Siyaasada Arrimaha Dibedda Xukuumadda Siillanyo oo ay inta badan dhaliilaan Axsaabta Mucaaridka ah, waxa uu yidhi “Umadu intii hore bay ku jirtay markii hore, marka la eego Siyaasada Arrimaha Dibedda, Koontiinarkiina waxa ka jabiyey Dadka Somaliland Wasiirkan Arrimaha Dibedda ah imika, waxaanu isticmaalay Dublamaasiyad aanay nin Somaliland ahi hore u dhigin, markaa taa horena waan ugu taageeray imikana waan ku taageersanahay, waayo waxa uu raadinayaa waa Somaliland Aqoonsigeedii, halka laga raadinayaana meel kaleba maahee waa Somalia, muhiimaduna waxa weeyaan in Caalamku ogaado in Somaliland iyo Somalia wada hadleen”.
Suldaanka Guud oo ka jawaabayey Su’aal ku sabsanayd hadalo ay Saxaafada isu mariyeen Axsaabta Mucaaridka iyo Xukuumaddu waxa uu yidhi “Axsaabtu arrimaha Siyaasada ee ay ka hadlayso waxbaa ka jira ama Xukuuumadda ha lagu dhaliilo Ama Xisbiyada Mucaarid ah la la dhaliil ha loo jeediyee, balan qaadyadii Xukuumaddu xiligii ololaha waxyaabo badan ayaan qabsoomin, waxna way qabsoomeen, waxaanan leeyahay Madaxweynuhu dadkiisa dulqaad ha u yeesho wax kasta waa la odhanayaa dadka caytamaya maaha in uu la yool yool tamo, waxaanan leeyahay Madaxweyne dadkani waa dadkii ku doortay wax walba way kugu sheegi doonaan, waxaanad muuqan doontaa maalintaad Kursigaa xilkiisa dhiibto oo la odhan doonaa wax qabadkiisu muxuu ahaa umadduna way kuu ooyi ama way kaa ooyi”.
Suldaan Maxamed oo ka hadlayey Shir Beeleedyada dalka imika ku soo badanaya waxa uu yidhi “Shir beeleedyada waxa inoo bilaabay kii Gar adag, dadkuna wax cuqdad ah kamay qabin, qaar kaloo Badana way qabsoomeen oo ka Dubureed ka mid yahay wax lagu dhaliilana maan arkayn, Beeshuna shir way qabsan kartaa, laakiin Maamulku iskama hor taagi karo waayo danahooday ka shirayaan.
Anigu waxaan qabaa in lagu hagaajinayo wixii khaldamay Beeshuna waxay u baahan tahay cid hogaamisa, Beeshaa Ciise Muuse waxay samaysteen Guddi ay Aqoon yahan iyo Madax dhaqameed ku jiraan oo lagala xidhiidhi karo Beesha Arrimaheeda, waayo waxa ka xun Beel cid lagala xidhiidhaba la garan waayo, Beesha Ciise Muuse-na Guddidaas ayaa lagala xidhiidhayaa.
Beelahan gar adag ku shirayna waxay u dhigmaan Beelaha Magaado oo labadaba Suldaankoodii ayaan ahay, markaa midna kama hor joogi karo, Beesha Gar adag ku shirtay waxay ku shirtay Xisbigii Kulmiye, Xisbigii Kulmiyena way ka xuub siibteen, Beeshaasi in ay hal Xisbi keliya yeelato ayaa imika soo muuqata Kulmiye-na sidaa kaga xuub siibato, Xisbi cusubna ay ku dhawaaqaan, Axsaabtuna haddii ay fur furanto waxa ay noqonaysaa sidii lixdankii oo kale.”
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu taageero u muujiyey Urur-siyaasadeed dhawaan lagaga dhawaaqay Magaalada Burco, kaas oo uu tilmaamay inuu taageero balaadhan haysto, isla markaana nin Aqoonyahan ah oo lagu magacaabo Nuur Faarax uu hogaamiye ka yahay.

Re: Hawiye Clan elders on their way to Hargeysa for a visit
IRIR conference
- Coeus
- SomaliNet Super
- Posts: 11709
- Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
- Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region
Re: Hawiye Clan elders on their way to Hargeysa for a visit
Talk about missing the point

- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Hawiye Clan elders on their way to Hargeysa for a visit
people diplomacy in full gear there Suldaan Maxammad Suldaan abdulqadir sometimes sounds like a real siyasi and some times he just says stuff that makes me think Nigga what you on about .
I think Abdiwahaab will welcome them at Cigaal international airport

- ToughGong
- SomaliNet Super
- Posts: 15321
- Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
- Location: No Justice Just Us
Re: Hawiye Clan elders on their way to Hargeysa for a visit
We welcomew our Hawiye brethren

- Eaglehawk
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3557
- Joined: Sun Dec 27, 2009 3:33 pm
- Location: God, Clan and Country
- Contact:
Re: Hawiye Clan elders on their way to Hargeysa for a visit
good girlseemeyer wrote:We welcomew our Hawiye brethren![]()
- ToughGong
- SomaliNet Super
- Posts: 15321
- Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
- Location: No Justice Just Us
Re: Hawiye Clan elders on their way to Hargeysa for a visit
Yo!Boon Ghetto is that way biatch 

- GeoSeven
- SomaliNet Super
- Posts: 5687
- Joined: Sat Sep 17, 2011 10:41 am
- Location: Out of my mind somewhere...always somewhere, never an exact location.
Re: Hawiye Clan elders on their way to Hargeysa for a visit
Wonder what would happen if odayaasha beesha daarood decided to take a trip to Hargeysa?
Press: "the plane carrying the elders mysteriously crashed upon landing at Egal Intentional Airport"

- Ismail_Boss
- SomaliNetizen
- Posts: 691
- Joined: Sat Feb 21, 2009 9:12 pm
- Location: Burco - Somaliland
- Mr_Alfaas
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3439
- Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
- Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland
Re: Hawiye Clan elders on their way to Hargeysa for a visit
Somalifanatic wrote:Wonder what would happen if odayaasha beesha daarood decided to take a trip to Hargeysa?
Press: "the plane carrying the elders mysteriously crashed upon landing at Egal Intentional Airport"

- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Hawiye Clan elders on their way to Hargeysa for a visit
Indeed soo dhowadaaseemeyer wrote:We welcomew our Hawiye brethren![]()

- ChiefAaqil
- SomaliNetizen
- Posts: 526
- Joined: Mon Nov 15, 2010 1:41 pm
Re: Hawiye Clan elders on their way to Hargeysa for a visit
Welcome our IRIR Brothers.

- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Hawiye Clan elders on their way to Hargeysa for a visit
The Hawiye Clan elders just arrived just 20 minutes ago
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Hawiye Clan elders on their way to Hargeysa for a visit
Suldaan Maxammad Suldaan Cabdulqadir Suldaan Cabdulahi welcomed them at the Cigaaal International Airport
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 11 Replies
- 1791 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 2 Replies
- 677 Views
-
Last post by qardasay
-
- 15 Replies
- 1362 Views
-
Last post by original dervish
-
- 2 Replies
- 1462 Views
-
Last post by Mondey
-
- 15 Replies
- 1650 Views
-
Last post by BigBreak
-
- 6 Replies
- 1182 Views
-
Last post by barbarossa
-
- 6 Replies
- 782 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 2 Replies
- 884 Views
-
Last post by Somaliwaste
-
- 3 Replies
- 1000 Views
-
Last post by Garbo_Gedo
-
- 4 Replies
- 804 Views
-
Last post by FBISOMALIA