etho prepare entering somalia again ...!!!

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

etho prepare entering somalia again ...!!!

Post by FBISOMALIA »

Nairobi (RBC) Barlamaanka dalka Ethiopia ayaa toddobaadkan si buuxda u sharciyeeyey in ciidamada Ethiopia ay qeyb ka noqdaan hawlgalada dalka Soomaaliya looga sifeynayo kooxda Al-Shabaab, sida Raxanreeb ay ka soo xigatay saraakiil ku sugan Addisababa.

Kulan xubnaha barlamaanka Ethiopia ay ku yeesheen magaalada Addisababa ayaa looga dooday qorshe ay soo jeedisay xukuumada uu hogaamiyo raysul wasaare Meles Zenawi oo codsatay in barlamaanka dalkaasi sharci ka dhigo in ciidamo Ethiopian ah loo diro gobolada xuduuda la leh Ethiopia ee Soomaaliya si ay u caawiyaan DKMG ah iyo ururka Ahlusuna oo xiriir dhow la leh Ethiopia.

Wararka ayaa sheegaya in barlamaanka Ethiopia uu ogolaaday qorshaha xukuumada ee ciidamada dalkaasi loogu fasaxayo ka qeybgalka hawlgal loogu magacdaray ‘sugida amaanka xuduudaha iyo ka adkaanta argagixisada’.

Qorshahan ayaa qeexaya in ciidamada Ethiopia ay garabsiinayaan ciidamada Soomaaliya ee DKMG iyo kuwa Ahlusuna si loogu fududeeyo weerar saddex afle ah oo Al-Shabaab lagu baacsanayo. Waxaana sida xgta ku helnay qorshahaasi uu sheegayaa ;-

- In ciidamada Ethiopia ay caawiyaan, taakulo hub iyo mid saanadba siiyaan ciidamo lagu tababaray Feerfeer iyo kuwo ku sugan isgoyska Kalabayr ee gobolka Hiiraan si weerar ay ugu qaadaan gobolka Hiiraan isla markaana ka xoreeyaan Al-Shabaab.

- Sidoo kale ciidamada Ahlusuna ee ku sugan Dhuusamareeb, Balambal iyo Guriceel ayaa loo diyaarinayaa inay weerar culus ku qaadaan degmooyinka Al-Shabaab kaga sugan yihiin Galgaduud, waxaana gacansiinaya ciidamada Ethiopia.

- Dhanka gobolka Gedo ayaa sidoo kale qorshahan uu tilmaamay in ciidamada Ethiopia oo hadda ku sugan Doolow iyo saraakiishooda isku duba ridaan qeybna ka qaataan weerar ujeedkiisu yahay in Al-Shabaab looga sifeeyo gobolada Gedo, Bay iyo Bakool. Halka gobolada Jubbooyinkana loo xilsaaray ciidamada DKMG oo ka imaanaya labo jiho oo kala ah dhanka Dhoobley iyo dhanka Gedo.

Fulinta qorshahan

Dawlada Ethiopia ayaa markii uu barlamaankeeda ansixiyey qorsha dagaal ee la dejiyey kadib, waxay martiqaad u fidisay masuuliyiinta Ahlusuna. Shabakada Raxanreeb ayaa ogaatay in wafdi ka socda Ahlusuna ay haatan ku sugan yihiin magaalada Addisababa.

Xubnaha Ahlusuna ee gaaray Addisababa waxaa ka mid ah; Gudoomiyihii hore ee Ahlusuna Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow, masuulkii Ahlusuna ee gobolka Banaadir Sheekh Axmed Shuqul iyo Xersi Maxamed oo ah gudoomiyaha hadda ee Ahlusuna-da gobolada dhexe. Waxayna xubnahan dhamaantood hadda ku sugan yihiin Ethiopia.

Ahlusuna waxay taageero xoog leh oo isugu jirta hub, rasaas iyo qalabba ka helaan Ethiopia oo xiriir aad u dhow la leeyihiin, hase yeeshee xilliga martiqaadkan dawlada Ethiopia ay u sameysay saraakiisha Ahlusuna ayaa ku soo beegmeysa iyadoo uu shalay [Axadii] uu dalka Ethiopia ka soo dhoofay raysul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed iyo wafdi la socday oo booqasho ku tegey Addisababa.

Siyaasadda Ethiopia

Dawlada Ethiopia waxay sanadkii 2006 ciidamo u soo dirtay dalka Soomaaliya iyadoo xilligaasi dagaal kula jirtay ururkii Maxkamadaha oo ka horjeeday DKMG ah. Sidoo kale ciidamada Ethiopia inkastoo Muqdisho ay ka bexeen horaantii sanadkii 2009 haddana ciidamadeeda waxay si toos ah uga hawlgalaan gobolada iyo degmooyinka soohdinta la leh ee Soomaaliya.

Waxaana hawlgalkan hadda barlamaankeedu ansixiyey uu noqonayaa kii labaad ee Ethiopia ay ka sameyso gudaha Soomaaliya, inkastoo aan la ogeyn waxa DKMG ay ka qabto arintan weliba iyadoo xilligan mugdi ku jiro xiriirka DKMG iyo Ahlusuna.

Saraakiil ka tirsan Ahlusuna oo Raxanreeb la hadlay isla markaana diiday in magacooda la xigto waxay sheegeen in qorshahan dagaal uusan ku xirneyn xiriirka liita ee kala dhexeeya DKMG, isagoo ku micneeyey “DKMG iyo Ahlusuna waxay leeyihiin hal cadow oo ay tahay in la wada dagaalamaan”.

Dhanka dawlada Ethiopia waxay dhowr jeer sheegtay inay ka go’an tahay sidii Al-Shabaab iyo Al-qaacida laga sifeeyo Soomaaliya maadaama amnigeeda uu ku xiran yahay.

Shaxda dagaalkan

Dhanka kale saraakiisha Ahlusuna ee aan la hadalnay waxay qireen in shaxda hawlgalkan ay mudo dheer soo jiitameysay ayna jireen wadahadalo waqti qaatay oo u dhexeeya DKMG, Ahlusuna iyo Ethiopia oo kala gooni ah, Hase yeeshee waxaa waqtigan loo soo dedejiyey ka dib markii ay soo baxday fursad macquul ah oo hadda taagan taasoo ah guulaha isdabajooga ee ciidamada DKMG iyo Amisom ka gaareen dagaalkii Muqdisho oo loo arkay midka ugu dhibka badan uguna muhimsan maadaama caasimadii dalka wax ka yar 20% ay DKMG ka joogtay bilo ka hor.
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: etho prepare entering somalia again ...!!!

Post by FBISOMALIA »

why coming back when TFG start to kick alshabab ass ...!!!
User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Re: etho prepare entering somalia again ...!!!

Post by Coeus »

I will wait for other news agencies to report this. I dont believe this.
User avatar
UlteriorMotive
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1706
Joined: Mon Sep 26, 2011 7:12 pm
Location: This be the realest shit I ever wrote

Re: etho prepare entering somalia again ...!!!

Post by UlteriorMotive »

FBISOMALIA wrote:why coming back when TFG start to kick alshabab ass ...!!!
Lol it will be heaven sent for alshabab recruitment drive. One thing that unites somali factions is an ethiopian invasion.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”