ما شاء الله
بسم الله الرحمن الرحيم
















Galkayo Specialist Hospital (GSH) oo laga furay Magaalada
Galkacyo ee Xarunta Dawlad Goboleedka Galmudug.
Ispitaal cusub oo loogu magac daray Galkayo Specialist Hospital (GSH)
ayaa waxaa laga furay Magaalada Galkacyo ee Xarunta Dawlad
Goboleedka Galmudug.
Xafladdii lagu furaayay ispitaalka waxaa ka soo qeyb galay
Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Ku simaha Madaxweyaha Galmudug C/Samad
Nuur Guuleed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Xasan Maxamuud Heyl iyo marti
sharaf kale.
Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo qadka taleefanka uga qeyb qaatay xafladda
furitaanka isagoo ku sugan Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxa uu mahad u
jeediyay dhammaan maamulka Galmudug sida Madaxweyne ku xigeenka
Galmudug,Golaha Wasiiradda,Golaha Baarlamaanka iyo intii ka soo qeyb
gashay furitaanka ispitaalkan cusub.
Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa sidoo kale sheegay ispitaalkan cusub ee
Galkayo Specialist Hospital (GSH) qeybaha uu ka koobnaandoono in ay ka
midyihiin Qeybaha Sheybaarka (Laboratory),Raajada (X-ray) iyo Daweynta
Cudurada kala duwan, waxaa kaloo Dalmar uu Sheegay in Ardeyda
Jaamacadda Galkayo University (GU) ay tababar caafimaad ku
qaadandoonaan.
Dr. Dalmar waxa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in waqtiyada soo socda
ispitaalka lagu soo kordhindoono qeybo kale sida Qaliinka iyo Indho
fiiqista.
Wasiirka Caafimaadka Dr. Xuseen Sheikh Nuur oo isna xafladda ka hadlay
ayaa waxa uu u ammaan dusha kaga tuuray dadkii ku fikiray in deegaanka
laga furo ispitaal kaasoo si weyn u lumindoona baahida caafimaad ee
dibadda loo aadayo mar walba.
Ugu danbeyntii ispaalkaan cusub ee loogu magac daray Galkayo
Specialist Hospital (GSH) ayaa waxa uu noqonayaa waxqabadkii 1aad ee
ay deegaanka ku soo kordhiyeen sanad gudihiis Jaamacadda Galkayo
University (GU).