Urur Siyaasadeed Labaxay SSC Oo Hargeysa Lagaga Dhawaaqay-
Lasanod Online. Thursday, October 27, 2011
Kayse Cabdi Yuusuf
Hargeysa,(lasanod Online)- Urur Siyaasadeed Cusub oo loo bixiyey SSC, ayaa maanta magaalada Hargeysa lagaga dhawaaqay, kaasoo ay kasoo qayb-galeen..
masuuliyiin iyo dad aad u farobadani.
Xaflad balaadhan oo lagu soo bandhigayey urur siyaasadeedkan cusub ayaa lagu qabtay Hotel Kaah ee Magaaladda Hargeysa, waxana ka soo Qayb galay qaar ka mid ah wasiirada maamulka Somaliland, Xildhibaano, Siyaasyiin Aqoonyahano, Dhalinyaro, Haween iyo Marti Sharaf kale.
Gudoomiyaha ururkan cusub ee SSC Md: Kayse Cabdi Yuusuf ayaa sharaxaad kooban ka bixiyey sababta loo aasaayey ururkan, waxaanu sheegay inuu ururkani ka mid yahay ururada siyaasadeed ee somalialnd lagaga dhowaaqay.
Kayse Cabdi Yuusuf waxa uu sheegay inuu ka qaybgali doono doorashooyinka Somaliland ee soo socda, isla markaana bulshada Somaliland ka rajayey inay codka siin doonaan.
"Shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan dibad iyo gudo waxaan ka codsanayaa inay taageeraan"ayuu yidhi, waxa kale oo intaas ku daray "ururkani waxa uu ka mid yahay ururada Somaliland lagaga dhowaaqay, waxaanu ka qaybgali doonaa doorashooyinka soo socda haddii alla yidhaahdo" ayuu yidhi Kayse.
Md. Kayse Cabdi Yuusuf waxa uu ku Booriyaya Dhamaan Shacbiga Gobolka Sool in loo baahan yahay in ay ka wadda Qayb Qaataan habkii ay u taageeri lahaayeen Urur Siyaasadeedkan Cusub Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay madax badan iyo aqoonyahano kuwaas oo taageeray ururkan cusub.
Kayse Cabdi Yuusuf ayaa hore waxa uu ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee ururka SSC ee ka dagaalama gobolada Sool iyo Sanaag, kuwaas oo dagaalo ku dhexmaray ciidamada maamulka Somaliland iyo ururka SSC.
Haseyeeshee, waxa uu markii dambe ka mid noqday koox saraakiil ah oo ogolaaday wada hadalkii uu Madaxweynaha maamulka Somaliland ku dhowaaqay, waxaanu kulamo badan la sameeyey madaxda sarsare ee Somaliland.
Waxaanu muddooyinkii dambe iskaga dabqaadayey deegaanada Sool, Hargeysa, isagoo waanwaan ka dhex waday khilaafkii cakirnaa ee gobolada SSC iyo maamulka Somaliland ka dhex jiray.
Dhanka kalena waxaa maanta xabsiga laga sii daayey maxaabiis lagu qabtay dagaalkii Kalshaale, maxaabiistan laga sii daayey xabsiga magaalada Burco ayaa magacyadoodu kala yihiin sidan:
1. Xasan Xuseen Maxamed
2. Cismaan Maxamed Bacaad-weyn
3. Saleebaan Yaasiin Ducaale
4. Maxamed Cali Cilmi
5. Dawlad Baaruud Duulane
6. Cabdi Saleebaan mire
7. Jamaal Jaamac C/laahi
Gacanyare
