admin | Nov 03, 2011 | 0 comments
Wararka naga soo garaya Gobolka Gedo ayaa tibaxaya in manta Deeganada hoostaga Dagmada Baardheere ay ka dheceen dagaalo culus oo u dhexeya Ciidamada Dowlada kmg ah iyo kuwa Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Alshabaab.
Dagaalka aya bilowday ka dib marki Ciidamada Dowlada kmg ah iyo kuwa Kenya ay Weraro Culus ku ekeyeen deeganada hoos taga Dagmada Baardheere oo ay gacanta ku hayeen Xarakada Alshabaab.
Dagaalka oo mudo sacado ah socday aya waxaa hormar ka sameyay Ciidmaada Huwanta ah ee iskaashanayay waxaana xarakada alshabaab lagala wareegay deegano ay horay gacanta ugu hayeen oo hoos taga magalada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Wararku waxaay intaasi ku darayaan in Ciidamada Xarakada Alshabaab ay gabi ahan ba gudaha u soo galeen Dagmada Baardheere halkaas oo ay difaacyo ka xirteen.
Wali lama xaqiijin karo qasaraha dhabta ah ee uu sababay Dagaalki manta ka dhacay deeganada hoos taga Dagmada baardheere ee Goblka Gedo Waxaase la soo shegaya in uu jiro qasaare iskugu jira dhawac iyo dhimaasho.
———————————
Kismaayo News Agency
