Muqdisho-Mahiigaan.com: Xasan Daahir Aweys oo kamid ah saraakiisha Al-Shabaab ayaa waxa uu si weyn ugu dhaliilay beesha Ceyr oo kamid beelaha Soomaaliyeed inay ka gaabiyeen ka qeyb qaadashada dagaalada ay Al-Shababa kala soo horjeedaan ciidamada dawladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM iyo sidoo kale ciidamada Kenya oo dhawaan soo galay gudaha Soomaaliya.
Xasan Daahir ayaa ku eedeeyey beesha Ceyr oo uu ka soo jeedo inay diideen in ay ka qeyb qaataan dagaalada Jihaadka uu ku sheegay oo ay Al-Shabaab ka wado dalka Soomaaliya.
Daahir ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in odayaasha beesha ceyr ay ka gaabiyeen in wiilashooda ay ku carbiyaan inay ka qeyb qaataan dagaalada ay wado Xarakada Al-shabaab.
Xasan Daahir oo ka hadlayey kulan shalau ay Al-Shabab ceelasha biyaha kula qaataday beesha Ceyr kamid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa waxa uu ka sheegay in beesha Ceyr looga baahan yahay dhallinyaradooda inay ka qeyb galaan dagaalada Al-Shabaab ay kala soo horjeedo dhinacyada kale ee Soomaalida.
“Odayaashiinan waa inaad u ogolaataan wiilashiina inay ka qeyb galaan dagaalada cadowga lagula jira” ayuu yiri Xasan Daahir.
Xasan Daahir ayaa sheegay in dhallinyarada beesha Ceyr ay ku jiraan dagaalada Al-Shabaab hase yeeshee waxaa looga baahan yahay odayaasha inay u saxiixaan wiilashooda inay ka qeyb qaataan dagaalada ka socda gudaha Soomaaliya.
Sarkaalkan ka tirsan Al-Shabaab oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in isagu uu duqoobay loona baahan yahay in dhallinyaro badasho ee Ceyr kamid ah la helo.
“Anigu waan duqoobay hada, waxaa loo baahan yahay dhallinyaro cusub inay la yimaadaan Beesha Ceyr oo aniga i badasha” ayuu Xasan hadalkiisa sii raaciyey
Xasan Daahir Aweys ayaa ugu dambeyntii waxa uu carabka ku dhuftay in isagu inta uu ka dhimanayo uu joogi doono gudaha Al-Shabaab waxa uuna ka codsaday beesha Ceyr inay si deg deg ah ugu biiriyaan dhallinyarooda dagaalada Al-Shabaab ay ka wado oo ay isku meel ku dhintaan.
Xarakada Al-Shabaab oo haatan dagaalo kala duwan ay meelo kala duwan oo dalka ah ugu furan yihiin ayaa waxa ay u xusul doobaneysaa sidii ay wada hadal gooni gooni ah ula yeelan lahayd beelaha Soomaalida si ay taageero ugu helaan.
http://www.mahiigaan.com/Details.php?id=6493



