Puntland Begins Offshore Oil Project

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

dagameison
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 334
Joined: Sat Jun 13, 2009 5:11 pm

Puntland Begins Offshore Oil Project

Post by dagameison »

Image

Puntland oo Heshiisyo Badda iyo Beriga la Gashay Shirkad Ajnabi Ah (Warbixin)

Nairobi (RBC) Sida ay shaacisay shirkadda MARAUDER RESOURCES EAST COAST Inc oo fadhigeedu yahay gobolka Alberta ee wadanka Canada, waxaa shirkadu ay heshiis isfaham oo ka kooban labo qeybood ay la saxiixatay Maamulka Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay C/raxmaan Maxamed Faroole.

Heshiiskan isfahamka ah [MOU] ayaa sida war saxaafadeed ay soo saartay shirkadda MARAUDER RESOURCES EAST COAST Inc lagu shaaciyey uu ka kooban yahay qeyb khuseysa baaritaan shidaal oo laga sameynayo badda [Offshore Memorandum] iyo qeybta labaad oo ah baaritaan dhanka beriga [Onshore Memorandum].

Muxuu dhigayaa heshiiska?

Bayaanka ka soo baxay shirkaddan oo ku taariikheysan October 21, 2011 ayaa sheegaya in shirkadda ay bilaabeyso hawl lagu sahminayo illaa 3 goobood oo si weyn loo tuhunsan yahay inay ku yaalliin keydad shidaal iyo macdan kuwaasoo ku yaalla deegaanada Puntland. Dhulkaasi la sahminayo ayaa gaaraya qiyaas ahaan 60,000 km(2). Akhri war saxaafadeedka shirkadda.

Saddexda goobood ee baaritaanka lagu sameynayo, ayaa sida war saxaafadeedka sheegay waxay labo ka mid ah ku yaalliin xeebta halka midka saddexaadna uu yahay beriga.

Maxay tahay shirkaddan?

MARAUDER RESOURCES EAST COAST Inc waa shirkad saamiley ah ah [shares wax ku bixisa], waxaana ay degan tahay calgery, Alberta Canada.

khadar Faroole (midig) oo loo magacaabay agaasimaha macdanta iyo shidaalka
Image

Saamiyada shirkaddan waxa uu ka mid yahay ama loogu yeeraa (penny stock) oo micnaheedu saamiyo [shares] lagu gado wixii ka yar $1 (hal doolar) – ama Soomaalida ugu yeeraan lacagaha jajabka ah ama sanuuda ah. (fasiraad dheeri ah halkaan ka eeg http://en.wikipedia.org/wiki/Penny_stock.

Cinwaanka shirkadda

Marauder Resources East Coast Inc.
720, 440 – 2nd Avenue, S.W.
Calgary, Alberta T2P 5E9. Canada

BACKGROUND:
Marauder Resources East Coast Inc. is an emerging oil and gas exploration and development company with a strategy of acquiring high-impact drilling prospects with world class reserves potential. Marauder is currently pursuing exploration opportunities in Africa and the Middle East. Common shares of Marauder trade on the TSX Venture Exchange under the symbol MES.

Barlamaanka Puntland iyo heshiiskan

Xilliga uu soo baxay heshiiskan ayaa ku soo aaday iyadoo madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole uu wiilkiisa yar Khadar C/raxmaan oo ku magacdheer [Khadar Yare] u magacaabay inuu noqdo agaasimaha guud ee Macdanta iyo Shidaalka Puntland suida ku cad wareegto madaxweynuhu saxiixay 23-kii bishan November 2011. (Akhri wareegtada http://www.raxanreeb.com/?p=120926 ]

Waxaa jira isweydiin ah waxa isku soo beegay heshiisyada isfahamka ee dhexmaray shirkadda MARAUDER RESOURCES EAST COAST Inc iyo magacaabista wiilka madaxweynaha.

Dhanka kale dhowr mudane oo ka tirsan barlamaanka Puntland oo maanta wariyaasha Raxanreeb.com la xiriireen ayaa sheegay inuusan jirin wax heshiis ah oo dhowaan la soo galay oo barlamaanka la horkeenay, iyadoo mid ka mid ah mudanayaashaasii oo aan rabin in la magacaabo uu yiri “xitaa ma maqal in heshiis shirkad Canadian ah lala galay uu jiro”.
hotstockpicks
Posts: 12
Joined: Mon Jan 16, 2012 1:52 am

Re: Puntland Begins Offshore Oil Project

Post by hotstockpicks »

In most of the cases the penny stocks investing is found to be unprofitable investments and beginners used to suffer losses in stock trading.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”