Page 1 of 3

Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Posted: Mon Dec 05, 2011 6:40 am
by Xamud.
Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan Oo Magaalada Bosaso Lagu Diley

Updated:- 4 hours ago| 150 Commnets
Image

Sawirkan waxaa Shiikha laga qaaday xilli uu xalay Masjidka Rowda ka khudbadeynayey
Waxaa Salaadii subax kadib agagaarka gurigiisa oo ku yaala xaafadda Biyo-Kulule lagu toogtey Sheekh kamid ahaa Culimada ugu magaca dheer uguna waaweyn gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland.

Sheekhaas oo lagu magacaabo Jirey Dr.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan wuxuu kamid ahaa Culimadii xalay soo qaban qaabiyey kana hadlay Nedwadii Samirsiinta ahayd ee ka dhacday Masjidka Al-Rowda ee magaalada Boosaaso.

Wuxuuna qayb ka ahaa Gudoonka sare ee Jaamacadda Bariga Africa isagoo sidoo kalena macalin ka ahaa kuliyadda Shareecada horayna xilal kala duwan uga soo qabtay maamulka Jaamacadda.

Lama garanayo cidii Sheekha dishey waxaase lagu dhuftay dhowr xabadood xilli oo kasoo baxay Masjidka (Xasan Ibnu Cali) oo xaafadiisa u dhow isagoo u geeriyoodey dhaawac culus oo soo gaarey waxyar kahor intaan Isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso loo qaadin.

Dhegeyso Khudbadii ugu danbeysey ee Marxuum Axmed Xaaji uu xalay jeediyey.


Sheekh Axmed Xaji Cabdiraxmaan wuxuu ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed oo Culuumta shareecada aad ugu xeel dheer islamarkaana Shahaadada Sare ee PHD-da ka qaatay Cilmiga Xadiiska waxaana geeridiisa ka tacsiyeeye aadna uga naxay dhamaan bulsho weynta ku dhaqan magaalada Boosaaso oo xalay khudbadiisa si toos ah Idaacadaha ugala socdey.

Waxaa dishey gacan ka xaqdaran isaga oo Salaadii subax soo gutey, Cishihii u danbeyeyna muxaadaro aad u qiime badan jeediyey, Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan dilkiisu waa xidig ka dhacay culimada Soomaaliyeed ee ku xeeldheer aqoonta shareecada, Bahda Horseed Media waxay tacsi gaarsiineysaa dhamaan umadda Soomaaliyeed ee Shiikha laga diley.

http://horseedmedia.net/2011/12/05/boos ... -dhegeyso/

Re: Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Posted: Mon Dec 05, 2011 6:45 am
by Xamud.
Waxaa maanta salaadii Duhur kadib magaalada Boosaaso lagu aasay Alle ha u naxariistee Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo salaadii Subax kadib kooxo hubaysani ay dileen xilli uu kasoo baxay Masjid ku yaala meel gurigiisa u dhow.

Jinaasada Sheekha oo ahayd mid ay dadweyne aad u tira badani kasoo qayb galeen ayaa waxaa la keenay Masjidka Al-Rowda oo salaadii Duhur kadib ay kumanaan shacabka magaalada Boosaaso ka tirsani ku tukadeen.

Wadooyinka waaweyn ee Masjidka Al-Rowda soo gala iyo kuwa ka baxa ayaa la xiray waxaana amaanka aad u sugayey ciidamo badan oo Boolis ah iyo weliba ciidamada Taraafikada oo iyagu isu socodka gaadiidka iyo baneynta wadooyinka ka qayb qaadanayey.

Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo dhowaan Xajka kasoo laabtay ayaa geeridiisa waxaa aad uga tiiraanyooday dhamaan bulshaweynta Puntland maadaama uu ahaa Aqoonyahan aad u weyn oo ay adkaan doonto in si sahlan lagu helo cid buuxisa kaalintii uu bulshada ugu jirey.

Eebe ha u naxariistee Aqoonyahan Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo ay meydkiisa sii galbiyeen in ka badan 100-gaari iyo kumanaan dadweyne ah ayaa waxaa lagu aasay qabuuraha ku yaala dhinaca bari ee magaalada Boosaaso.

Dhamaan dadkii aaska Marxuum Axmed kasoo qayb galay waxay ilaah uga baryeen in uu janadiisa ka waraabiyo kuwii xaq darada ku dileyna uu ciqaab adag ku abaal mariyo.

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Re: Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Posted: Mon Dec 05, 2011 8:22 am
by abdikarim86
Inaalilah AUN


Xamud are there any leads?

Re: Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Posted: Mon Dec 05, 2011 8:24 am
by accident
abdikarim86 wrote:Inaalilah AUN


Xamud are there any leads?
Southies/IDPs

Re: Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Posted: Mon Dec 05, 2011 8:45 am
by yungnfresh
AUN

Re: Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Posted: Mon Dec 05, 2011 9:05 am
by Xamud.
abdikarim86 wrote:Inaalilah AUN


Xamud are there any leads?

Some, but it`s to early to verify anything now.

Re: Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Posted: Mon Dec 05, 2011 9:06 am
by UlteriorMotive
AUN

Unfortunately at this stage in somalia even sheikhs are fair game.

Re: Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Posted: Mon Dec 05, 2011 9:09 am
by abdikarim86
Xamud. wrote:
abdikarim86 wrote:Inaalilah AUN


Xamud are there any leads?

Some, but it`s to early to verify anything now.
I've heard of Sheiks,Judges, Businessmen & other important men being killed before.

Were those cases ever solved?

Re: Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Posted: Mon Dec 05, 2011 9:14 am
by Cumar-Labasuul
AUN very shocking

Re: Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Posted: Mon Dec 05, 2011 9:31 am
by Aseelah-Raaida
Ilaahay ha uu naxariisto marxuumka , I pray those behind it are exposed soon.

Re: Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Posted: Mon Dec 05, 2011 9:38 am
by Somaliman50
Allaha unnaxariisto, i heard he did a lot to help organise the culumo conference in garoowe not long ago :up:

Re: Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Posted: Mon Dec 05, 2011 9:58 am
by Xamud.
abdikarim86 wrote:
Xamud. wrote:
abdikarim86 wrote:Inaalilah AUN


Xamud are there any leads?

Some, but it`s to early to verify anything now.
I've heard of Sheiks,Judges, Businessmen & other important men being killed before.

Were those cases ever solved?
Most of them go unsolved unfortunately :down:

Re: Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Posted: Mon Dec 05, 2011 10:17 am
by damu
AUN
this news really shocked sheikh Cabdirahman was a great man!

Re: Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Posted: Mon Dec 05, 2011 11:02 am
by tightrope
AUN :cry:
HE DID SO MUCH FOR THR STATE.
DAMN SOUTHIES!

Re: Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Posted: Mon Dec 05, 2011 11:11 am
by Niya
Ilaahey ha uu naxaariisto. Walaahi this is sad and shocking. It has become the norm to target people of substance.
This trend of targetted assassinations of educated people is a hallmark of Al-shayadiin. One will never hear of a warlord being asssinated.