Sometime in the last 24 hours, 3 innocent men, including a father and son were executed in the most gruesome of circumstances. they were beheaded. this is after the long warring disputes over some fertile lands in that region. apparently, this is the second time this has occurred. the first time, the killers were loyal to the kulmiye regime when they were in opposition and were therefore let off, now the people of awdal are arming themselves for their slayed kinsmen. somaliland is on the edge.
Gabiley(HWN)-Sida ay u xaqiijiyeen dad xog ogaal ah oo ku sugan Deegaanada Satiile ee Waqooyiga Gabiley, Shabakada Wararka Hadhwanaagnews u sheegay in sadex ayaa habeenkii xaley ahaa lagu dilay Deegaanka Seemaal, oo kamid ah agagaarka dhulbeereedka Ceel-Bardaale ee mudada badan colaadu ka taagnayd , waxaanay dadkaas ka ag dhow Deegaanka Seemaal sheegeen in sadexda qof ee lagu dilay halkaasi ahaayeen Aabo iyo Laba inan oo uu dhalay.
Majiro war rasmi ah oo cadeynaya cida ka danbaysay ama fulisay dilkaasi, haseyeeshee, wararka la isla dhex marayay ilaa saaka Magaalada Gabiley, waxa dilkan lagu xidhiidhinyaa in uu ku lug leeyahay ama ay geysteen shakhsiyaad aan la aqoonsan oo doonaya in ay rabshado mar kale ka bilaabmaan halkaasi, inkastoo dhinacyo kalena ay sheegayaan Warar kale oo kaas ka duwan, hadana wali ma cada cida dhab ahaan uga danbeysay falkan dilka foosha xun ah.
Gudoomiyaha Gobolka Gabiley, Cali Aw Aadan Meecaad oo aanu subaxdii hore ku kalahnay si aanu wax uga weydiino dhacadadan xalay ka dhacady deegaankan ayaa, isagu gabi ahaanba ka gaabsadey in uu wax tafaasiil ah ka bixiyo ,haseyeeshee Taliyaha Ciidanka Qeybta Booliska Gobolka Gabiley, Rashiid Ismaaciil Warfaa oo hadhwanaagnews wax ka weydiisay ayaa sheegay in uu ka hadli karo oo kaliya marka uu Ciidankaa uu hada u direy in ay xog buuran ka keenaan deegaankaasi.
Ma aha markii u horeysay ee fal noocan oo kale ahi ka dhaco deegaandaasi haseyeeshee, waxa uu dilkani noqnonayaa markii afraad ee nooceeda ah oo dilka noocan oo kale ahi dhaco, iyadoo markasta oo deegaanadaasi ay ka dhacaan rabshadana aad looga naxo Gobolada Gabiley iyo Awdal maadaama ay is dhexgal xoogani ka dhexeeyo bulshooyinka labada Gobol sidaa daraadeedna ay aad uga walaacsan yihiin dhibaatada xiligan kasoo cusboonaatay guud ahaanba dadweynaha kunool deegaankani.