







Moderator: Moderators
HARGEYSA (GNS) -Taliyaha Cusub ee Ciidanka Qaranka Somaliland dhawaan loo soo magacaabay xilkaasi Maxamed Xasan C/laahi (Jidhif) ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay.
Munaasibad balaadhan oo loo qabtay Xil wareejintan ayaa maanta lagu qabtay Taliska Guud ee Ciidamada Qaranka Somaliland, waxaana Munaasibadan ka soo qayb galay Wasiiradda Gaashaandhiga Axmed X. Cali (Cadami), Arrimaha Dibedda Maxamed C/laahi Cumar, Hawlaha Guud iyo Guryaynta Ismaaciil Muumin Aare, Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid, Taliyaha Ciidanka Booliska Maxamed Saqadhi Dubad, Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Xasan Cali Cawad (Xasan Dheere), Cali Maxamed Warancade oo ah Masuul ka tirsan Xisbiga UDUB, Masuuliyiin ka socday Xisbiyada iyo Ururada Siyaasada iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan.
Xafladan oo uu hadal ka soo jeediyey Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani ayaa waxa uu kaga sheekeeyey mudadii uu xilka hayey waxyaabihii uu ku soo kordhiyey Ciidanka Qaranka, waxaana hadaldiisii ka mid ahaa “Mudadii xilka aan hayey oo ahayd mid aad u dheer waxaanu dhisnay ilaa boqol hangar oo qaadaya Hub aad u tiro badan, kuwaas oo aanu ka dhisnay Magaalada Burco, waxa kale oo aanu dhisnay Taliska Oog oo markii hore ahaa hal guri, laakiin halkan (Taliska Guud) waxa ku yaala Hangaro badan oo aanu dhisnay”.
Nuux Ismaaciil Taani Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland oo ka hadlayey Caqabadaha dib u dhigay Darajada Ciidamada ayaa waxa uu yidhi “Run ahaantii waanu isku daynay in aanu Darajada u sameyno Ciidamada Qaranka, laakiin waxa ay arintaasi ka dhaqaaqi weyday oo hor taagnaa Golihii Wasiirada ee Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Kaahin”
Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay Xil wareejinta, waxaanu halkaa ka sarbeebay Maah maah uu hadalkiisa ku soo daray oo ahayd “Xaashee Nin libin kaa xisdiyey Xumihii waa yaab!”.
Taliyaha Cusub ee Ciidanka Qaranka loo soo magacaabay Maxamed Xasan C/laahi (Jidhif ) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn waxa uu baaq nabadeed u diray Beelaha Walaalaha ee wada Deegaanka Baki, isaga oo Tacsi u diray ehelada Dadkii ku geeriyooday falkii foosha xumaa ee ka dhacay Deegaanka Seemaal, waxaanu yidhi “Ugu horeyn waxaan Tacsi u dirayaa eheladii dadkii ku Geeriyooday falkii foosha xumaa ee ka dhacay Deegaanka Seemaal, aniga oo dadkii ku dhintayna ILAAHAY uga baryaya in u Naxariistii Jano ka waraabiyo”.
Taliyaha Cusub ee Ciidanka Qaranka Maxamed Xasan (Jidhif) ayaa ka waramay Xilka loo dhiibay waxa uu ka aaminsan yahay, isaga oo hore u soo qabtay, waxaanu yidhi “Runtii waan ogahay Xilka la ii dhiibay dhibkiisa, aniguna waxaan iska joogay meel qabaw oo ay iska haystaan ilma Nabi Ciise, haddii aan waxba ka garan waayo iyaba waan u sheegayaayoo halkaygii baan iskaga noqon doonaa”.
Al mujahid Xassan yoonis habane waliga ma saxdiid magicisa iska djiboutian baad tahaySahanGalbeed wrote:Xasan Yoonis Cabane {ahun} ilaa Jidhif , ciyaar ha moodin Jibriil Abokor-ka{sorry for the little faan }
SorryThe_Emperior5 wrote:Al mujahid Xassan yoonis habane waliga ma saxdiid magicisa iska djiboutian baad tahaySahanGalbeed wrote:Xasan Yoonis Cabane {ahun} ilaa Jidhif , ciyaar ha moodin Jibriil Abokor-ka{sorry for the little faan }
![]()
Jb![]()