Beesha Makaahiil Oo Suldaankii Labaad Ku Caleemo Saartay Tuu
Posted: Tue Dec 20, 2011 4:26 pm
Hargeysa (HWN) Suldaan Aadan Caaqil Maxamed Caaqil Muxumed ayaa maanta lagu caleemo saaray Duleedka Bari Ee Tuuladda Abaarso.
Suldaankan oo noqonaya kii labaad ee ay yeelato Beesha Makaahiil ee sacad Muuse ayaa waxa ka soo qayb galay caleemo saarkiisa Sulaadiin, Cuqaal, Siyaasiyiin, waxgarad, Culimo iyo dad weyne aad u tiro Badan.
Hadal kooban oo uu furitaankii Xafladda Caleemo Saarka ka soo jeediyay Suldaankii hore ee Beesha Makaahiil Suldaan Maxamuud Siciid Maxamed, oo xafladda Caleemo Saarka Suldaanka Cusub Goob joog ka ahaa ayaa xusay in uu soo dhaweynayo Suldaanka Cusub.
Waxa aan si heer sare ah u soo dhaweynayaa suldaanka Cusub, walaalkay Suldaan Aadan Caaqil Maxamed Caaqil Muxumed, waxaanan leeyahay beesha ayaa garatay in ay laba suldaan yeelato, waxaanan leeyahay laba suldaan way qaadi kartaa.
Anaguna noqon mayno kuwo beesha kala qaybin u horseeda ee hadii alle yidhaahdo waxa aanu noqon doona kuwo ;isu soo jiida beesha ayuu yidhi suldaanku.
Dhinaca kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay suldaan Maxamed Jaamac Samater oo ka mid ah sulaadiinta Gobolka Awdal ee dalka Somaliland oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa xusay in uu soo dhaweynayo Suldaanka cusub ee maanta lagu caleemo saaray Duleedka Tuuladda Abaarso.
Suldaanku waxa uu kula dardaarmay Beesha Makaahiil in ay ku dedaasho sidii ay isu barbar taagi lahayd suldaanka Waxa aan si aad ah u soo dhaweynayaa suldaanka cusub oo malaha inta maanta halkan fadhida aanu jirin nin iiga dhawi.
Runtii suldaanka aabihii iyo aabahay waxa ay ahayeen habro wadaag, markaa sidaas ayaan cid walba uga dhawahay ayuu yidhi.
Waxa uu intaasi ku daray in Suldaanku, uu suldaan ku noqon karo marka ay beeshiisu dhinaca la qabato arrimaha jira oo dhan Suldaanku waxa uu Suldaan ku yahay marka dhinaca lala qabto wixii jira, sidii sulaadiintii iga horeysay ay u sheegtayna waxa aan soo jeedin lahaa in suldaanka la xooleeyo, bilaahi calaykumna waxa aan idin ka dardaarayaa in suldaanka aad ula timaada mushkilado yaryar oo aad idinkuba dhamaysan kartaan dhexdiina ayuu hadalkiisa ku soo khatimay.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ugu hambalyeeyay suldaanka Cusub xilkan loo doortay, waxaanu ilaahay uga baryay in uu u fududeeyo.
Waxa aan ilaahay uga baryayaa in suldaanka cusub ee Aadan Caaqil Maxamed Caaqil Muxumed uu fududeeyo xilkan loo dhiibay, hadii uu masuul yahay qofkuna waxa uu wanaagsan in uu cadaaladd ku xukumo dadka, markaa alle xilkan hakugu asturo ayaan leeyahay ayuu yidhi
Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa xusay in uu soo dhaweynayo suldaanka Cusub Waxa aan si aad ah u soo dhaweynayaa suldaanka cusub, waxaanan ilaahay uga baryayaa in uu ka dhigo midkii tubta toosan dalka iyo dadkaba ku hagaajin lahaa.
Runtii tiradda sulaadiinta beeshu way badatay, laakiin waxa aad ogataan in talo uun ay wada gooyaan, guri keliyana ay wada leeyihiin oo ay ku shiraan ayuu yidhi suldaanka guud ee Beesha Subeer Awal.
Gabogabadiina Suldaanka Cusub Aadan Caaqil Maxamed Caaqil Muxumed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa dhamaanba dadkii caleemo saarkiisa ka soo qayb galay uga mahad celiyay sida ay uga soo xaadireen Waxa aan halkan uga mahad celinayaa dhamaanba sulaadiinta, cuqaasham, siyaasiyiinta, wayeelka, dhalinyarada, haweenka iyo dadweynaha tiradda badan e ka soo qayb galay xafladda caleemo saarkayga.
Hadal badan umaan kicin, laakiin waxa aan jeclahay uun in sida aad uga soo qaybgasheen xafladdan aad iigu ducaysaan in uu alle ii fududeeyo xilkan ayuu yidhi.
Waxa kale oo munaasibadaasi caleemo-saarka hadallo ka jeediyey salaadiinta kala ah Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi, Sul. Yuusuf Muxumed Xiiray, Sul. Axmed Daahir, Boqor Cali Xuseen Kaahin,Suldaan Daakir, Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Dalsan iyo Mayor Ku Xigeenka caasimadda kuwaas oo dhammaantood erayo duco iyo dardaaran ah u jeediyey Suldaanka cusub Suldaan Aadan Caaqil Maxamed Caaqil Muxumed.
Najax Aadan Cunaaye
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland