Also the retarded 550mps we have in Parliament will be history come August 2012. It has been agreed among to reduce the Parliament to 225 members.

Puntland Rejects 4.5 The Conference Scheduled End Date Delayed
Puntland oo diidey nidaamka 4.5
23 Dec 23, 2011 - 10:17:53 AM
Shirka Wadatashiga Somaallida oo ka socday labadii maalmood ee la soo dhaafey Jaamacada PSU Garowe ayaa waxa qorshuhu ahaa in lasoo gabagabeeyo maanta 23,Dec,2011,balse suurtagal ma noqon arintaasi,waxana socday muddo ka badan 6-saacadood doodo iyo kulamo ay lahaayeen madaxda DF Somalia ,Puntland ,Galmudug ,Ahlu Sunna iyo ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Somalia.
Sidoo kale waxaa doodaha qayb ka ahaa ergadii loo xilsaarey in ay ka soo shaqeeyaan ajandaha shirka oo shalay ilaa maanta kulamo alabaabadu u xiranyihiin lahaa.waxana ujeedku ahaa sidii aragti mideysan looga gaari lahaa qodobada kamadanbeysta ah ee lagu soo saarayo warsaxaafadeedka shirka dhamaadkiisa.
Qaabka loo soo xulayo mudanayaasha Baarlamaanka Somalia ayaa ahaa qodobka ugu muhiimsan oo doodu ka taagnayd maanta iyadoo ay jireen aragtiyo kala duwan oo laga qabay arintaasi.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo shirka ka qaybgashey ayaa Garowe Online u xaqiijisey in Puntland soo jeedisey soo xulida mudanayaasha Baarlamaanka Somalia in lagu soo doorto qaab gobol ah ama degmo,waana arinta dooda badan maanta dhalisey.
Dhanka kale waxay iluhu sheegayaan in madaxda sare ee DF Somalia qaar ay arintaasi ka biyo diideen iyagoo ku adkeystey in xulida mudanyaasha lagu saleeyo qaabka 4.5 oo qabaa’ilada Soomalida ku dhisan ayna ku yimaadeen xildhibaanada haatan jooga.
Galbta ayaa la filayey in go’aaamo ka soo baxaan dhamaadka shirka waxana uu dib u dhacey maalinimada beri ah,iyadoona caawa leeyihiin kulamo gaar gaar ah madaxda iyo ergada shirka ka qaybglaysa taasi oo looga gun leeyahay in arintu isugu soo biyo shubato hal meel.
GAROWEONLINE




