Not So Tough AFter All.

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Not So Tough AFter All.

Post by zingii »

Shariif is begging on his behalf. 8-)
Madaxweyne Shariif oo xildhibaannada ku qalqaalinayo in ay ka laabtaan...

Gedoweb Online Gedo on Monday, December 26 @ 12:38:38 EST



Madaxweynaha dowladda KMG Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho xubno ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka Somalia oo uu kala hadlay khilaafka ba'an ee haatan ka dhex-taagan iyo sidii xal loogu heli lahaa.




Sida qaar kamid ah mudanayaasha uu Shariif la shiray ay cadeeyeen wuxuu kulanka la qaatay xildhibaannadii dhawaan xilka ka qaadday guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, wuxuu ka codsaday in ay ka laabtaan go'aanka xil ka xayuubinta si looga baxo muranka u dhexeeyo xubnaha baarlamaanka.


10-xildhibaan ayaa ka qeybgashay kulankan, markii uu madaxweynaha codsigaas u soo jeediyey way ku gacan seyreen sida uu leeyahay mid kamid ah mudanayaasha oo intaas ku daray in ay u sheegeen madaxweynaha in sabab looga noqdo shaqo ka erinta Shariif Xasan aysan jirin, go'aankaasna sidii uu u dhacay uu ku shaqeynayo.


Kulanka oo la isku mari waayey ayaa saacado badan oo uu socday kadib wuxuu ku dhamaaday fashil iyo natiijo la'aan, waxaana dib loo ballamay maalinta berri ah.


Xildhibaannadan madaxweynaha la kulmay ayaa waxay matalayaan 280-mudane oo sheegay in ay xilka ka qaadeen Shariif Xasan oo isagu wali ku adkeysanayo in uu guddoomiye yahay.


Buuqii faraha badnaa ee xildhibaannada is-khilaafsan ayaa yaraaday tan iyo markii Shariif Xasan uu Muqdisho ku soo laabtay shalay, waxaana loo maleynayaa in uu kala furfurayo mudanayaasha.

C/llaahi Axmed Culusow
Gedoweb, Muqdisho.

Gedowebnews@gmail.com
User avatar
abdisamad3
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12628
Joined: Sat May 30, 2009 10:18 am
Location: Kismayo

Re: Not So Tough AFter All.

Post by abdisamad3 »

Image
^^Sheikh shariif
Image
^^ so called xildhibaano.
this is gonna end ugly.
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Re: Not So Tough AFter All.

Post by zingii »

It seems the AU is starting to support the MP's.

Kulan Dhexmaray Xildhibaanada Baarlamaanka KMG iyo Wakiilka Midowga Afrika (Warbixin)

Muqdisho (RBC) Waxaa magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay guddi ka socda xildhibaanada baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ee dhowaan xilka ka qaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Aboubakar Dyara.

Kulankan ayaa ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaana uu ka dambeeyey ka dib markii magaalada Muqdisho uu booqasho ku yimid wakiilka Midowga Afrika oo doonayey inuu la kulmo mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Ilkadahab oo ah Hogaaamiya Guudiga Badbaadinta Qaranka ee Baarlamaanka oo kulankaasi ka qeybgalay ayaa Raxanreeb u sheegay in kulanka looga wada hadlay xaalada hadda ka taagan dalka gaar ahaan khilaafka ka dhex aloosan baarlamaanka. Wuxuuna xildhibaanku sheegay in Wakiilka Midowga Afrika uu dhegeystay talooyin ku saabsan qaabkii loo qabtay kulankii xilka looga qaaday Shariif Xasan 13-kii bishan Disembar.

“Anaga dhankeena waxaan cadeynay in kulankii 13-ka Disembar uu u dhacay hab dimuqraadi ah ayna tahay in lagu qanco, waana uu soo dhoweeyey Danjire Dyara” ayuu yiri Prof Ilkahadab oo galabta telefoonka ugu waramay Raxanreeb.

Xildhibaan Ilkadahab ayaa intaa ku daray inay warqad taageero ah oo ka timid Midowga Afrika ka heleen Danjire Aboubabar Dyara taasoo cadeyneysa in Midowga Afrika uu taageeray xilka qaadistii Shariif Xasan lagu sameeyey.

“Way soo dhoweeyeen xilka qaadistaasi,, wuxuuna danjire Dyara noo sheegay in kulamada baarlamaanka ay socdaan isla markaana uu shir gudoonka sii wado gudoomiye ku xigeenka 2aad Axmed Dhimbil Rooble Casawe maadaama ay xildhibaanada isaga codka siiyeen” ayuu yiri xildhibaan Ilkadahab oo kulanka maanta goob joog ka ahaa.

Xildhibaanka ayaa dhanka kale sheegay in dhankooda ay qabaayaan doorshada gudoonka baarlamaanka horaanta bisha Janaayo isagoo ku adkeystay inaysan waxba iska bedeli doonin.

Kulankan ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa noqonaya kii labaad ee dhexmara mudanayaasha baarlamaanka iyo wafdiga ka socda Midowga Afrika tan iyo intii xilka laga qaaday Shariif Xasan 13-kii bishan walow uu weli Shariif Xasan diidan yahay xilka qaadistaasi.

RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Re: Not So Tough AFter All.

Post by zingii »

game over
ur time is over
hommie u is served
u a left-over.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”