Page 1 of 1

President of Shabelle adminstration arrested by Ethiopians

Posted: Tue Jan 10, 2012 6:31 pm
by Coeus
Ethiopian troops arrest president of Dooxada shabeele.

Madaxweynah Dooxada Shabeelle C/Fitaax Oo Ciidamada Ethiopia Xabsiga Dhigay.

Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Dooxada Shabeele C/fitaax Xasan Afrax ayaa Ciidamada Ethiopia xabsiga u taxaabay, lamana oga sababta ka dambeyso xarigaani.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Dooxada Shabeelle ay ciidamada Ethiopia hub ka dhigis ku sameeyeen, Ilo xog ogaal ah oo ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa u xaqiijiyay Cadaalad.com in Amaanka Magaalada lagu wareejiyay Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca, iyadoona ay wali ku sugan yihiin ciidamada Ethiopia magaaladaasi.

C/fitaax Xasan Afrax madaxweynaha Maamulka Dooxada Shabeelle ayaa caawa ku hoyanayo xabsi ay gacanta ku hayaan Militaarka Ethiopia.

Magaalada Baladweyne ayaa aheyd mid u kala qeybsan Seddex qeybood oo ay kala taliyaan, Ciidamo uu wato Yuusuf Dabgeyd oo qeyb ah, Maamulka Dooxada Shabeelle iyo Ahlusunna oo caawa gacan ku heynta magaaladaasi la wareegay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Re: President of Shabelle adminstration arrested by Ethiopia

Posted: Tue Jan 10, 2012 7:37 pm
by Somaliman50
:lol: tuug walba khaatimkiisa sidaan buu noqda, like some used condom.