Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Oo Furtay Xaruntii Hore Ee Dhoofka Xoolaha
Wasaradda beeraha xannaanada xoolaha dhirta iyo daaqa ayaa maanta furtay xaruntii hore ee dhoofka xoolaha dalka, taasi oo maanta laga hirgaliyay magaalada Muqdisho si loo ogaado Caafimaadka xoolaha laga dhoofinayo dalka.
Munaasabaddii furitaanka Maxjarkaasi cusub ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirka Wasaaradda beeraha xannaanada xoolaha dhirta iyo daaqa, wasiirka waasarada dekedaha iyo Gaadiidka iyo mas’uuliyiin kale waxaana ugu horeynti xarigga ka jaray Maxjarkaasi cusub Wasiirka wasaaradda beeraha xannaada xoolaha dhirta iyo daaqa mudane C/llaahi Xaaji Xasan.
Ugu horeyn furitaanka munaasabada xariga looga jarayay Maxjaka cusub ayaa waxaa ka hadlay ku simaha agaasimaha guud ee wasaaradda xanaannada xoolaha mudane C/raxmaan Nuur “Qeyliye” waxa uuna faah faahin ka bixayay adeegyada lagu qaban doono Maxjarkan cusub.
Sidoo kale waxaa isna goobta ka hadlay wasiirka Beeraha xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa Xukuumadda Soomaaliya mudane C/llaahi Xaaji Xasan isagoo tilmaamay in uu aad ugu faraxsanyahay in muddo 21 sano kadib la furo xafiiski dhoofka xoolaha ee Muqdusho, taasina ay ku timid dadaalka dheeraadka ah ee ay muujisay dowladda.
Wasiira ayaa sidoo kale xusay in xaruntaasi ay u shaqeeyn doonto sidii loogu talagalay, isla markaana ay dabooli doonto baahida loo sameeyay, isagoona tilmaamay in ay ka faa’ideysan doonaan ganacsatada Soomaaliyeed.
Xarunta maanta xarigga laga jaray muddo 21 sano ah kadib ayaa ganacsatada dhoofisa xoolaha u u sahli doonta dhoofinta xoolo caafidkooda la xaqiijiyay isla markaana leh tayo wanaagsan.