http://www.garoweonline.com/artman2/pub ... land.shtmlBarnaamij ku saabsan ciyaaraha gobollada Puntland
31 Jan 31, 2012 - 8:06:54 AM
GAROWE ONLINE
Waxaa maalinimada berito oo ku beegan 1,Feb,2012 ka bilaabmaya caasimada Puntland ee Garowe tartanka cayaaraha kubbada cagta ee gobollada Puntland,waxaana magaalada lagu soo dhaweeyey dhamaan cayaaryahanadii tartanka uga qayb-gali lahaa toddobadagobol,halka gobolka Nugaalna ay caasimada ku diyaarsantahay.
Idaacadda Radio Garowe ayaa barnaamijka Ray'iga Dadweynaha waxaa marti ugu noqday bulshada ay toos u wada hadleen kuxigeenka wasiirka shaqada shaqaalaha, dhalinyarada iyo cayaaraha Puntland Siciid Daahir Qodax iyo agaasimaha guud wasaaradda cayaaraha iyo dhalinyarada Axmed Xasan Bile.
Masuuliyiintan ayaa bulshada u faahfaaiyey qaabka cayaarahan loo qabanayo kaalinta looga baahanyahay bulshadu inay ka qaataan kor u qaadida cayaaraha iyo isdhexgalka bulshada reer Puntland.
Dadweynaha caasimada Garowe ku dhaqan oo barnaamijka xiisaynayey ayaa su'aalo badan madaxda wasaarada cayaaraha ka waydiiyey arimo ku aadan tartanka,waxaa kele oo ay la wadaageen talooyin ay dhagaystayaashu soo gudbinayeen.
Tartanka cayaaraha kubbada cagta ee gobollada Puntland ayaa kii 6-aad gobolada loo qabato,waxaana gobolada loo kala saaray laba qaybood
Gruop A= Bari ,Nugaal ,Karkaar ,Haylan.
Group B= Sool, Mudug ,Cayn ,Sanaag.
Garoonka Mire Awaare ee kubada cagta ayaa si toos ah xariga looga jari doonaa hadii Eebe idmo maalinka beri ah ,waxana la ciyaari doonaa laba kulan oo lagu furayo kooxaha Bari iyo Nugaal halka is-araga danbe ay wada ciyaarayaan Karkaar iyo hayal oo dhamaan kawada tirsan Group A.
Warsidaha Garowe Online kala soco goor kasta ,cidda guuleysatay ,kuwa laga badshey ,sida ay socdaan kulamadu, dareenka taagerayaasha kooxaha iyo weliba falanqaynta kulamada.
Halkan ka dhageyso barnamijka Rayiga Dadweynaha uu wado Fahad
Bari's got this one
