flown from Jigjiga to Addis with a private jet
Wafuudii Kasocatay Maamulka Khaatumo State Oo Kulan Xaasaayi Maanta kulayeeshay Magaalada Adisababa Madaxwaynaha Ethopia!
Waxaa maanta shir aad uqiima badan ku dhacay magaalada Adisababa ee xarunta dalka Etopia kaas oo u dhaxeeya Wufuudi ka socotay maamulka Khaatumo State oo shalay gaadhay magaalada Adis ababa, markii uu madaxwaynaha dalkaasi usoo diray diyaarada khaasi una fidiyay martiqaad aad usareeya.
wax yaabaha maanta laga wada hadlay ayaa waxaa ka mida ahaa sidii looga shaqayn lahaa adkaynta amaanka deegaanda Khaatumo state & dhanka dawlad degaanka Soomaliya.
Kulankan ayaa sidoo kale waxaa laga hadlay muhiimada ay leedahay in deeganada Sool, Sanaag iyo Cayn ay yeeshaan maamul ugaara waxaana loo soo bandhigay madaxwaynaha dawlada Etopia wax yaabaha kalifay waqtigan in lasameeyo maamul ugaara deeganada Ssc.
Ugu danbayn ayaa waxa uu siwayn usoo dhaweeyay Go’aanka ah in beelwaynta deeganada Khaatumo State ay iskeed utashatay samaysatayna Maamulka ugaarka ah waxa uuna xusay in aana cidna lagu qasbi karin meel aysan doonayn.
Wafdigan kasocda maamulka Khaatumo State waa markii ugu horaysay oo ay gaadhaan Dalka Ethopia tan iyo markii lagu dhawaaqay maamulka Khaatumo State Of Somalia.
waxaana lafiyaa in maalmaha soo socda ay kulamo kale oo xaasaasiya laqaataan madaxda iyo masuuliyiinta dawlada Ethopia.
Dhanka kale masuuliyiintii kasocotay maamulka waqooyiga soomaliya ayaa niyad jab wayn kala soo kulmay – xod xoda shaday ka doonayeen madaxwaynha dawlada Ethopia iyadoo loo soo Tarxiilay dhanka ismaamulka DDS.
ugu danbayna waxay magaalada jigjiga kaga soo baxeen si deg deg markii dheg loo jalaqsiinwaayey.
Horufadhi News Desk
horufadhi